Golaha Wasiirradda oo Shirkoodii ugu Dambeeyey Yeeshay iyo Qodobbo Miisaan leh oo lagu Naaqishay

0
96

Hargeysa (Dawan) Kal-fadhigii 134-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagaga dooday qodobbo kala duwan oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka, guusha doorashooyinkii xukuumaddani dalka ka hirgelisay iyo diyaargarowga waqtigan kala guurka ah ee la galay.

Shirka kaddib waxa warbaahinta la hadlay wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, ahna afhayeenka xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan), waxana uu faahfaahiyey qodobbadii shirku ku saabsanaa iyo waxyaabihii sida gaarka ah diiradda loogu saaray.

Wasiirku waxa uu xusay in goluhu ugu horrayn bulshada u caddeeyey in xukuumaddu dusha u ridatay dhammaanba hawlihii iyo culaysyadii ay lahaayeen doorashooyinkii isa saarnaa ee Madaxtooyada, xisbiyada, Golayaasha Deegaanka iyo wakiillada, si loo dhiso oo loo adkeeyo dhismaha qaranka, dhidibadana loogu taago dawladnimada, iyada oo doorashooyinkaasi bileen korna u qaadeen meeqaamkii Jamhuuriyadda Somaliland dunida inteeda kale ka taagnayd.

Goluhu waxa uu si mug iyo miisaan leh ugu mahadnaqay taageerayaashii baaxadda lahaa ee xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa ba codka siiyey iyo shacabka reer Somaliland ee muddada 14-sanno ah masiirkooda iyo taladoodaba ku aaminay xisbiga guunka ah ee KULMIYE.

Goluhu waxa uu bogaadiyey soona dhaweeyey sumcadda iyo guusha ay soo hooyeen doorashooyinkii hufnaa ee dalka ka qabsoomay ee Xukuumaddu Gadh-wadeenka ka ahayd oo sare u qaaday Maqaamkii iyo sharaftii ay Somaliland dunida ku lahayd.

Wasiir Cali Marreexaan waxa uu caddeeyey in goluhu isla qaatay in sidii horeba loogu yaqaanay xisbiga KULMIYE isu diyaarinayo xisbi mucaarid ah oo si waayeelnimo, xilkasnimo iyo tudhaale ku jiro wax u mucaarida oo mucaaradaddiisu noqoto mid wax dhista.