Qore: Cabdiwahab Daahir Xassan
Barbara (Dawan):- Isuduwaha wasaarada Deegaanka iyo isbadalka Cimilada ee Gobolka saaxil Axmed Jaamac Cali ayaa ka warbixiyey mudadii uu ahaa isuduwaha wax yaabihii u qabsoomay iyo sida ay uga qayb qaateen dhirayraynta iyo sidii ay u ilaaliyeen duurjoogta guud ahaan ku nool gobolka saaxil.
Isuduwaha ayaa sheegay in isagoo raacaya xeerarka iyo siyaasada wasaarada Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada in ay sanadkii soo saaraan 25 kun oo geedi oo kala duwan si ay uga hortagaan xaalufinta iyo nabaad guurka ee deegaanka gobolka Saaxil.
Waxa kale oo isuduwuhu intaasi ku daray in ay ka shaqeeyaan sidii ay u ilaalin lahaayeen dhul daaqsimeedka gobolka saaxil, geesta kale waxa uu tilmaamay in dad sifo sharcidaro ah oo u ootay dhul daaqsimeed ay maxkamada la tiigsadeen wakhti xaadirkana kiiskaasi uu maxkamada yaal.
Waxa uu xusay in saddexdii biloodba deegaan ay ka fuliyaan howlgal gaasi oo looga hortagilahaa xaalufinta dhulka gaar ahaan dadka dhirta Jara si ay dhuxul uga sameeyaan.
Geesta kala mar uu ka hadlayey doorka ay ka qaateen ilaantinta duurjoogta ayaa waxa uu sheegay in marka wakhtiyadii hore loo eego wakhtigan la taagan yahay duurjoogta gobolka saaxil ay aad u nabad gashay isla markaasina waan wax dhiba lagu hayn.