Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Dardaaran u Jeediyey Bulshada JSL Mucaarid iyo Muxaafid-ba

0
65

Madaxweyne Muuse oo guul weyn oo taariikhi ah ku tilmaamay sharafta iyo sumcadda ay doorashooyinkii isa-saarnaa u soo hooyeen Somaliland

 Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in doorashooyinkii 13-November oo kharashkii ku baxayey 90% uu dusha u ridatay ay guul u soo hooyeen Somaliland iyo shacabkeedaba

 Hargaysa (Dawan) Madaxwaynaha Jamhuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa farriin waayeelnimo, dardaaran iyo hoga-tusaalayn ah u diray bulshada reer Somaliland mucaarid iyo muxaafid ba, isaga oo madaxweynuhu ugu baaqay in ay meel uga soo wada jeestaan dhisida Qaranka iyo Horumarka Somaliland.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kelmedo kooban oo dardaaran iyo hogo-tusaalayn isugu jira shirka ka jeediyey, ayaa ugu horrayn u mahadnaqay golihiisa wasiirrada iyo sida hagar la’aanta ah ee ay ula soo shaqeeyey, isaga oo guul weyn oo taariikhi ah ku tilmaamay sharafta iyo sumcadda ay doorashooyinkii isa saarnaa oo kharashkii ku baxayey 90% (Boqolkiiba Sagaashan) dusha u ridatay u soo hooyeen Somaliland iyo shacabkeedaba.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu farriin waayeelnimo ah u diray bulshada reer Somaliland mucaarid iyo muxaafid ba waxaana uu labada dhinacba ugu baaqay inay cagta u dhigaan oo ka fiirsadaan jidka ay qaadayaan, maaddaama oo doorashooyinkii laga soo gudbay, waxaana isaga oo mucaardka dhawaan talada la wareegaya la hadlaya uu yidhi, “Qolyaha mucaaridka ahaa waxaan leeyahay doorashadii waad hesheen, waana aannu idin hambalyeynay, qaran inaynu dhisno ayeynu u jeednaaye idinka hadal dambe oo mucaaridnimo iyo turxaan lihi idiin ma bannaano ee dib isugu noqda.”

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale la hadlay taageerayaasha xisbiga KULMIYE iyo madaxdoodaba, waxana uu ugu baaqay inay fursad siiyaan dawladda ay xisbiga dhawaan guulaystay soo dhisi doono oo ay baxnaaniyeen “Qolada KULMIYE waxaan leeyahay haddii doorashadii la inaga helay shalay iyo dorraadba waynu helnay, qaran baynu dhisaynaa, welina xilkii maynu wareejin oo innagaa hayna, markaynu xilka wareejinana muddo ayeynu ka dhur sugaynaa sida maamulka dawladdu noqdo oo ummushaba waa la Afartan bixiyaa, dawladahana waa la baxnaaniyaa Boqolka cisho ee u horreeyee in hadal dhegaha u daran ama Somaliland wax yeelayaa idinka yimaaddo waa mamnuuc,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Gebo’gabadii Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa u soo jeediyay dadka inta badan ka hadla warbaahinta oo uu sheegay in ay xadkii dhaafeen inay ka fiirsadaan waxa ay ku hadlayaan oo aanu noqon wax, wax u dhimaya qaran dhiskii la waday iyo halkii loo socday, waxaanu ugu baaqay in ay dib isugu noqdaan oo hagaajiyaan dhaqanka noocaasi ah.