Hargaysa (Dawan): Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa soo bandhigtay qorshaheedda horumarineed ee shanta sanadood ee soo socda ay ku shaqayn doonto, kaasoo lagu saleeyay baahiyaha mudnaanta leh ee wasaaradaasi.
Soo bandhigista qorshahan aya wasaaradu ku hawl geli doonto shanta sanadood ee soo socda waxaa furitaankiisa wasiirka ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradaasi Khaalid Ibraahim Xasan (Oday), agaasime waaxeedyadda wasaaradaasi iyo masuuliyiin kale.
Waxaana qorshahaasi lagu saleeyay sidii loo xaqiijiyo in adeegyada diimeed iyo kuwa awqaaftu u noqon lahaayeen kuwo ka tarjumaya baahida bulshada iyo mustaqbalka Dalka.
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaana si rasmi ah u daah-furay shaacinta qorshe hawleedkan ay wasaaradu ku shaqayn doonto shanta sanadood ee soo socda.
Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa door hoggaamineed ka qaatay dadaallada lagu xaqiijinayo qorshahan la tashi joogto ahna la sameeyay daneeyayaasha kala duwan ee arrimaha diinta iyo awqaafta .
Qorshahan horumarineed ee ay soo bandhigtay wasaaradu meelaha uu diirada saarayo, waxaa ka mid ah, horumarinta xarumaha Diinta islaamka: tayeynta Masaajidada, Madarasadaha iyo goobaha kale ee cibaadada si bulshada loogu fududeeyo barashadda diinta islaamka.
Sidoo kale waxaa qorshahaasi ku jira maamulka Awqaafta, oo loola jeedo in dib-u-habayn lagu sameeyo maamulka hantida awqaafta, si loo xaqiijiyo in loo adeegsado danaha guud ee bulshada.
Waxa kaloo lagu sheegay in qorshahaasi ay ka mid yihiin kor u qaadista wacyiga diinta islaamka, Abuurista ololeyaal iyo barnaamijyo waxbarasho oo lagu wacyigelinayo bulshada, gaar ahaan dhallinyarada.
Xoojinta Xidhiidhka Caalamiga ah: In Somaliland ay ka qayb qaadato shirarka iyo madasha caalamiga ah ee ku saabsan arrimaha diinta iyo awqaafta, iyo la socoshada iyo qiimaynta, dejinta hannaan lagu hubinayo hirgelinta iyo guulaha qorshaha.
Geesta kale wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa si weyn loogu ammaanay hoggaaminta iyo hufnaanta uu ku soo kordhiyey wasaaradda, isaga oo u adeegaya sidii loo dejin lahaa aragti fog oo hogaamin karta Wasaarada diinta iyo awqaafta muddo sanado ah.
Waxaana hawshani hirgelinteedda doorka ugu weyn ka qaatay wasiirka wasaaradaasi Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, iyo Agaasimaha guud Khaalid Ibraahim Xasan (Oday), ee curinta qorshaha horumarinta shanta sano ee wasaaradda ayaa si weyn uga qayb qaadan doona horumarinta adeegyada wasaaradda