“Adduunka laguma Hayo Meel Aanay Nabadgelyo Jirin oo Dawladdi ka Dhisanto oo Horumar Yeelata”

0
80

Xukuumadda JSL oo Go’aamo ka soo Saartay Abaabulka Shirarka Qabaa’ilada

“Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadiisu Waxay Go’aan ku Gaadheen in Madaxweynaha Cusub iyo Dawladiisa la soo Dhaweeyo” Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL

Qore Cabdiwahaab Daahir Xasan

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Jamhuuriyadda  Somaliland ayaa go’aamo ka soo saartay isla markaana sheegtay in tallaabo adag  laga qaadi doono cid kasta oo ku kacda falal waxyeelaya nabadgalyda, ammaanka iyo xasiloonida bulshada reer Somaliland iyo cid kasta oo ku kacda falalka afxumada iyo abaabulka shirarka qabaa’ilka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Taliyayaasha guud ee Ciidamada qalabka sida oo shalay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha ku yeeshay shirka amniga qaranka ayaa lagu  go’aamiyay shirkaas in maanta laga bilaabo la joojiyay in hotelada iyo meelaha kale ee la isugu yimaaddo lagu qabto shirar qabiilaysan, isla markaana waxaa la faray hoteelada in ay ka digtoonaadaan shirarka qabilaysan, talaabana laga qaadi doono cid kasta oo ogolaata shirar caynkaas ah.

Geesta kale Shirkan ayaa lagu Lafa-guray amniga guud ee dalka, u diyaar garowga Xilwareejinta labada Madaxweyne ee xilka isku wareejinaya 12 bishan sidoo kale waxa go’aamo adag oo laga soo saaray cid kasta oo nabadgelyada iyo wada jirka bulshada khatar ku ah.

Geesta kale waxaa shirka la iskula qaatay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado dadka ku baaqaya Arrimaha Nabadgalyo darrada ah, sharcigana la horkeeno qof kasta oo ku kaca wax taabanaya ama wax yeelaya Nabadgalyada guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca kale shirkan ayaa lagu sheegay  in warbaahintu ka fogaato in ay baahiyaan haddalada  xanafta leh ee dhaawacaya wada jirka bulshada iyo guud ahaan ba Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Gaba-gabadii waxa la go’aamiyay in la adkeeyo amniga guud iyo xuduudaha.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jamhuuriyada Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa fariin u diray Taageerayaasha Xisbiyada Kulmiye iyo Wadani, wasirka ayaa tilmaayamay in waxyaabaha baraha bulshada isku marinayaan labadaasi xisbi taageerayashoodu in aanay ahayn wax u wanaagsan dhaqanka, haybada iyo sharafka , amniga guud ee qaranka Somalaialand  iyo sidoo kale shareecada Islamka.

Wasiir Kaahin ayaa sheegay in dadkaasi ay yihiin dad ka tirsan Xisbiga Kulmiye oo uu hadda gudoomiye ka yahay Wasiir maxamed Kaahin iyo Xisbiga Talada dalka la wareegay ee WADANI isla markaana uu gudoomiye ka yahay Gudoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sidoo kale hoosta ka xariqay in ay ka mid yihiin dad masuuliyiin ah oo goleyasha qaranka ka tirsan waa sida uu wasiir kaahin hadalka u dhigaye.

Waxa uu fariin u diray taageerayaasha xibigiisa KULMIYE isla markaana ku adkeeyey in ay joojiyaan hadalada turxaanta leh ee ay marinayaan baraha bulshada ay ilaaliyaan sharaftii uu xisbiga kulmiye uu mudada 14ka sano ku soo maamulaayey dalka.

Geesta kale wasiir Maxamed Kaahin waxa uu  fariin udiray taageerayaasha Xisbiga WADANI isla markaana kula dardaarmay in haanay madaxwaynaha la doortay u horseedin soo dhawayn taban joojiyaana hadalada meel ka dhaca ah.

Waxa kale oo u intaasi ku daray in cidkasta oo joojinwayda hadalada meelka kadhaca in talaabo sharcoga waafaqan laga qaadi doono.