Qore Khadar M . Xaashi
Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Axmed Cabdi Ibraahim (Timo-jilic), ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayso xal u helista shaqaaqadii ka dhacday magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
Sidoo kale waxa uu xukuumadda, labada gole ee Guurtida iyo wakiillada, warbaahinta ugu baaqay inay ka qayb qaataan nabad-dhiska degmada Ceerigaabo, waxaanu intaas ku daray in loo baahan yahay in mudnaanta kowaad la siiyo sidii loo dhammeystirilaha wixii tabashooyina ee jira.
Geesta kale waxa uu sheegay in waxkasta oo mihiiim u ah nolosha bulshada ay nabadgelyadu kow u tahay, haddii ay Dimuquraadiyad tahay iyo haddii ay horumar kale tahay.
Waxaanu yidhi.“Waanu u kuurgalay xaalada ka soo korodhay magaalada Ceerigaaboe e xarunta gobolka Sanaag, waxaa aanu ka gole ahaan ka shaqaynaynay sidii wax looga qabanlaha nabadgelyadeeda, rag badan iyo xildhibaano badan ayaa galay imikana meel fiican ayay maraysa.
Qaranka Somaliland waa in uu qaata doorkiisa, isla markaana uu iska xilsaaro inuu dhammeeyo wax kasta oo bulshada Ceerigaabo ku nooli ay kala tabanayaan, marka xukuumadda, goleyaasha sharci-dejinta, waxgaradka iyo warbaahintuba ha qaataan doorkooda.
Dimuquraadiyadii ma jirayso haddii aanay nabadgelyo, dhalasho wanaagsan, hawl kale oo horumara oo soconaysaa majirto, mihiimkuna waa in nabadgelyada laga wada shaqeeyo si halka loo socdo loo gaadho.”