Qore Cabdiwahaab Daahir Xasan
Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaarada xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Jamuuriyada Somaliland, Mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ku ammaaney doorashooyinkii isa-saarka ahaa ee dalka ka dhacay 13-kii November.
Wasiirku ayaa intaasi ku daray in doorasho nooceeda oo kale dalka ka dhacdo ay madaxwayne Muuse iyo golihiisa wasiirada ay u tahay mid taariikhdu qori doonto, halka ay guud ahaann shacabka reer Somaliland ay kaga tagayaan siyaasad wanaagsan dagan isla markaana qaran dhis ah.
Wasiirku waxa uu sidan ka sheegay shir uu la yeeshay agaasimaha guud ee wasaaradaasi iyo agaasime waaxeedyada waxaanu faray inay ka shaqeeyaan sidii xil wareejin wanaagsani u dhici lahayd, waxaanu xusay in guddida ka wasaarad ahaan hawshaasi ka shaqaysa ay guddoomiye u noqon doonto agaasimaha guud.
Waxaanu yidhi.“Anoo fulinaya siyaasada Madaxwayanaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, in qaranka guud ahaan ay u dhacday doorasho wanaagsan oo dagan, oo taariikhdeeda iyo ku suntanaanteedaba, waxa qiima doorasho leedahayba uu madaxwaynaha Somaliland ku suntan yahay.
Anaguna ka xukuumad ahaan in doorasho noocaas ah oo qiimo badani dalka ka dhacdo taariikh ayay noo tahay, in aanu maanta ku sagootin doono Qaranka JSL, waa siyaasad wanaagsan degan oo Qaran dhis ah”