Booliska JSL Waxaan ku Amaanayaa in ay ku Guulaysteen Qabashada.” Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL

0
56

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa (Dawan) Wasiirka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa ciidanka Booliska Somaliland ku amaanaya guusha ay ka gaadheen inay gacan ka gaystaan kufsiga dalka ka dhaca.

Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka Booliska Somaliland ku guulasteen boqolkiiba sagaashan iyo siddeed inay qabtaan ragii gaystay kufsiga dalka ka dhaca, balse waxa uu wasiirku sheegay in xeerarkii lagu fulin lahaa haweenka dhibanaha ah ee kufsiga loo gaysto si maxkamad loo hor geeyo inuu ka socon laaya’ay waalidkii inanta la kufsaday dhalay, sidoo kale waxa uu sheegay inuu ka hirgali laaya’ay Suldaan iyo Caaqil waxaanu yidhi

“ Golaha wasiiradu Khamiis kasta wuu shiraa, Boolisku waxa uu keenaa Isbuuc kasta inta kusfi dalka ka dhaca, Booliska waxa aan ku amaanayaa oo taliyaha iyo saraakiishiisa iyo qaybihiisa iyo askartiisaba uga mahad celinayaa maanta inay ku guulaysteen kufsiga dalka ka dhaca boqolkiiba sided iyo sagaashan inay qabteen ragii kufsigaasi gaystay, waa arrin aad u wayn”.

Dhinaca kale waxa uu wasiir Kaahin xusay in loo baahan yahay in dhibkaasi xal loo helo si sharciga loo hor geeyo kuwa kufsiga u gaysanaya Hablaheena, dhaqankeena iyo Diinteenaba, waxaanu tilmaamay inay hab aan haboonayn u dhamaynayaan arrintii gabadha dhibanaha ahayd.

Geesta kale wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa u soo jeediyay xukuumadda cusub iyo goleyaasha Qaranka in arrintaasi culays badan la saaraan oo xeerkii kufsiga ee mudada badan horyaala golaha wakiillada la meel mariyo, maadaama aanu ahayn xeer siyaasadeed iyo mid xisbi toona.

Sidoo kale waxa uu faahfaahiyay muhiimada uu xeerkani u leeyahay dalka iyo badbaadada Haweenkeena, taasi oo uu tilmaamay inuu yahay xeer khuseeya dhaqankeena, dadnimadeena iyo diinteenaba.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sidan ka sheegay munaasibada xuska maalinta caalamiga ah ee Xaquuqda aadamaha oo sanad walba la xuso 19 bisha December, taasi oo uu Hargaysa kaga qayb galay.