Qore Khadar M . Xaashi
Caynaba (Dawan) Taliska booliska gobolka Saraar ayaa faahfaahin ka bixiyay dil fool xun oo ka dhacay jiida degmada Oog, waxaanu boolisku sheegay in dilkani dhacay 4/12/2024, waxa ay intaas ku dareen in lagu soo wargeliyay 7 dii bisha, sidaasina ay kaga war heleen.
Sidoo kale waxa ay xuseen in goob biyo-qabatin ah oo ku taala degmada Oog, uu Maydka Marxuumadu ka soo caaryay, isla markaana ay goobtaasi ugu tageen ehelada marxuumada iyo bulshada degaanka, iyada oo muddo saddex cisho ah la raadinayay maydka Marxuumadan.
Geesta kale taliska booliska gobolka Saraar waxa ay sheegeen in dilka Marxuumadan loo qabtay, Marxuumkii qaybay oo magaciisa la yidhaahdo Shucayb Cali Xasan oo dadiisu tahay 30 jir.
Haddaba taliska booliska gobolka Saraar ayaa si qoto-dheer u faahfaahiyay dilkan, cidda loo hayo iyo goobaha kala duwan ee maydka marxuumadan laga helay.
Waxaaney yidhaahdeen.“Waxa aanu siiwadney baadhitaanka marxuunka iyo marxuumada, marxuumaddaasi oo la odhan jiray Barwaaqo Cali Saleebaan, dadeedu ahayd 20 jir, laba caruura ayay haysatay oo wiil iyo gabadha waxaanu sii wadney baadhitaanka Marxuumada oo ah qaarka danbe,
Raacdo danbe oo aanu u noqonay 8-dii bisha waxa aanu soo helay maryaheedii oo dhammeystiran, marka laga reebo diraci, googaradii, surwaalkii, garba-saartii, masaradii kabihi, kuwaas oo dhammaantood yaala tuulo layidhaahdo Baraqaawi.
Baadhitaankii saddexaad waxa aanu ku soo helay qaybtii labaad ee Marxuumada, oo iyadana lagu riday Barkad deden oo biyaysan, taasi oo ku taala tuulada Baraqaawi, marxuumada xubnaheedii waala wada helay marka laga reebo caloosheedi, waxaa kiiskan nagala shaqeeyay marxuumada eheladadii”.