Qore: Boqore Axmed Cabdi
Hargaysa (Dawan) Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sanadkii 2017-kii ku guulaystay jagada madaxtinimo ee dalka, taasi oo uu kaga guulaystay musharaxiintii la tartamayay ee Waddani iyo Ucid.
Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu nasiib u yeeshay inuu xilka kala wareego saaxiibkiisii siyaasadda ILLAAHAY ha u naxariisto’e Axmed Siilaayo oo ay soo wada galeen geedi siyaasadeed oo aad u adag, soona wada mareen xisbi mucaarid oo ada, kaasi oo soo galay halgan adag oo uu ku hantay madaxtinimada dalka.
Fursada kale ee uu Madaxwayne Biixi la kumay ayaa ahayd in xisbigiisii Kulmiye uu mar kale guulaysto oo ay hantaan kaalinta muxaafinimada, oo aanu xisbigiisu noqon mucaarid.
Warbixinteenan waxa aynu ku soo qaanaynaa shan qodob oo si wayn loogu xasuusan doono xukuumadda madaxwayne Biixi ee xilka ka sii dagaysa, taasi oo aynu si faahfaahsan uga bogan doon.
- Barnaamijka Shaqo Qaran
Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumadiisa ayaa dalka ku soo kordhiyay barnaamijka Shaqo Qaran, kaasi oo kor-u-qaaday rajada iyo himilada dhalinyarada Somaliland, kuwaasi baahi badan u qabay inay aqoontooda iyo kartidooda ku helaan shaqada bulshada ka dhaxaysa, taasi oo keentay in qofka waxbarashada ku jiraa uu ku xisaabtamo inuu dedaalkiisa ku helayo shaqada dawladda.
Barnaamijkan ayaa sidoo kale ahaa ciidan dhis, kaasi oo ardayda lagu tababarayo hanaanka ciidanka iyo difaaca qaranimada Somaliland, taasi oo wax wayn ka taraysa helista ciidan keyd ah oo dalku leeyahay.
Barnaamijka shaqo Qaran ayaa sababay in dhalinyarada dalka wax ka barata ay hesho fursad dahabi ah oo ay kaga mid noqonayaan hanaanka shaqo ee dawladda iyo difaaca dalkaba.
- Hirgalinta Jid Cusub oo Ictiraaf Raadin ah
Waxa ugu way nee Somaliland iyo bulshada ku nooli ay ugu baahi badan yihiin inay helaan ayaa ah in ay yeeshaan kursiga ay ku leeyihiin Qaramada midoobay, taasi oo ah in ay Somaliland dunida ka hesho aqoonsi.
Madaxwayne kasta oo soo maray xukunka Somaliland waxa uu lahaa aragti iyo jid uu u maraayay raadin aqooniga caalamka, balse madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa hirgaliyay jid cusub oo uu ku aadi-goobayo Ictiraafka, kaasi oo ah in dawladaha jaarka lala sameeyo xidhiidh ka duwan kuwii hore ay Somaliland u wada lahaaye iyo sidoo kale in xidhiidho cusub lala sameeyo wadamo ka mid ah Qaarada Afrika, taasi keentay hadal hayn badan oo dunida, lagan dhaxlay in insha caalamku ku soo jeestaan Somaliland dunidana aad looga hadal hayo.
Xidhiidhka cusub ee Somaliland iyo Itoobiya eek a dhashay heshiiskii Badda ayaa ahaa jidka ugu muhiimsan ee indha bulshada caalamka ku soo jeediyay Somaliland, kaasi oo keenay in la helo wadamo kale oo qalqaaliya inay ka fakaraan aqoonsiga Somaliland, sidoo kale waxa jiray wadama ka cadhooday arrintaasi balse kor u qaaday sumcada iyo sharafta dalka Somaliland oo noqday mid dunada caalamku ku sheekaysato.
- Aasaasida Machadka Tababarka Duulimaadyadda Rayidka ah
Madaxwaynaha Somaliland iyo Xukuumadasii ayaa aasaasay Machadka tababarka duulimaadyadda rayidka ah, kaasi oo noqonaya Machadkii u horeeyay ee dhinaca duulimaadyada ah ee ay Somaliland yeelatay.
Machadkan ayaa lagu baran doonaa duulimaadyadda rayidka ah, kaasi oo loogu talogalay in qof kasta oo reer Somaliland ah uu ku baran karo duulimaadka, loona dhamaystiray dhamaan nidaamkii duulimaadyadda iyo qababkiisii.
Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa daahfuray isla markaasi duuliyay mid ka mid ah diyaaradaha lagu tababarayo duuliyayaasha, waxaanu goobtaasi ka sheegay in uu Machadku u furan yahay qofkast oo reer Somaliland ah oo raba inuu duuliyenimada barto.
Arrintan ayaa noqonaysa mid guul wayn u ah Qaranka Soamliland lagana dhaxli doono haddii la sii xoojiyo hirgalintiisa inay Qaranka u soo baxaan duuliyayaal reer Somaliland ah oo aqoon u leh duuliyenimada kuna bartay dalkooda Hooyo.
Machadkan waxa uu ka mid noqon doonaa arrimaha sida wayn loogu xasuusan doono Madaxwaynaha Soamliland Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumadiisa inay ku dhiiradeen hirgalinta Machad ay yar tahay in laga helo wadamada jaarka.
- Qabashada Doorashooyinkii ugu Adkaa ee dalka
Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku guulaystay inuu dalka ka qabto doorashooyinkii ugu adkaa ee Somaliland soo mara, kuwaasi oo ahaa kuwo isa saran, culayskeedana lahaa.
Madaxwayne Biixi ayaa dalka ka qabtay Doorashooyinkii isku sidkanaa ee Wakiillada iyo Deegaanka kuwaasi oo mudo xiloodkoodii dhaafay, in la isku sidkaana ay aad u adkayd, balse Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku dhiiraday inuu qabto doorashadaasi, isaga oo aan wax farogalin ah ku yeelan, isla markaasina xisbigiisii lagaga adkaaday.
Dhinaca kale waxa uu Madaxwayne Biixi dalka ka qabtay sanadkan doorashadii ugu adkayd oo ahayd in la isku sidko laba doorasho oo ay adag tahay in la is raaciyo, kuwaasi oo kala ah doorashada ururada iyo doorashada madaxwaynaha.
Qabashada doorashooyinkan waxa uu si geesinimo leh ugu badheedhay in uu is raaciyo dalkana mar ay ka wada qabsoomaa iyada oo ay dalka ka jireen khilaaf siyaasi ah oo laba jirsaday, sidoo kale waxa dalka ka jiray dagaalo dhinaca Bariga ah, kuwaasi oo dadka qaar ay malaysanayeen in aan dalka doorasho wakhtiga a qabsoomi Karin, balse uu hirgaliyay oo lagaga guulaystay xilkii madaxwayninimo.
Madaxwaynaha Somaliland ayaa si faraxdi ku dheehan tahay u soo dhaweeyay in laga guulaystay una aqbalay, waxana la filayaa inuu xilka ku wareejiyo madaxwayanah ku guulaystay 12 bishan Dicember oo ku began maalinta Khamiista ah.
- Furista Ururrada Siyaasadda dalka
Madaxwaynaha Somaliland oo ka jawaabaya baahid loo qabo in uu yimaado isbadel dhinaca Xisbiyada ah ayaa go’aamiyay in la furo ururradii siyaasada oo xisbiyada joogaa ay ahaayeen kuwo labaatan sano taagnaa halka qaarna ay xisbiyo dalka u ahaayeen in ka badan 10-kii sano ee loogu talogalay.
Madaxwayne Biixi waxa uu bulshada dib ugu soo celiyay inay ka qayb qaataan ururrada siyaasada oo ay kaalintooda buuxiyan, sidaasina waxa lagu furay tartankii ururrada siyaasadda oo ay u tartameen ururro aad u tiro badan, halkaasina ay ku soo baxeen todobada ururr siyaasadeed oo ka qayb galay tartankii doorashada.
Gebo’gabadii Somaliland waa dal Dimuraadiya oo madaxwayne kastaa uu meel gaadhssiyo xukunka, isla markaasina oo qabto waxyaaba badan oo ah barnaamijkiisa siyaasiga ah, sidaasi daraadeeda waxa laga dhaxlaa waxqabad iyo raad muuqda oo uu tago marka xilku ka dhamaado.