Maamulka Biden oo isku dayaya inuu la macaamilo mucaaradka Suuriya

0
61

Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa raadinaya habab uu kula macaamilo kooxaha mucaraadka Suuriya ee xukunka ka tuuray madaxweyne Bashar al-Assad, wuxuuna la xidhiidhay saaxiibada gobolka sida Turkiga si ay gacan uga geystaan billaabista diblomaasiyad aan rasmi ahayn.

Isaga oo ka hadlayay warbaahinta, afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Matthew Miller ayaa sheegay in Washington ay haysato dhowr siyaabood oo ay kula xidhiidhto kooxaha kala duwan, kuwaas oo mid ka mid ah Washington ay u aqoonsatay urur argagixiso.

“Waxaan ku guda jirnay wada-hadalladaas dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay. Xoghayaha laftiisa ayaa wada hadallo la yeeshay dalalka saameynta ku leh gudaha Suuriya, waana sii wadi doonnaa taas,” ayuu yidhi Miller.

Dawladaha gobolka iyo sidoo kale kuwa reer galbeedka ayaa dadaal ugu jira sidii ay xidhiidh cusub ula samayn lahaayeen jabhadda ugu weyn mucaaradka Suuriya ee Xayat Taxriir al-Sham (HTS).

Kooxdan oo hore xulufo ula ahayd Al-Qaacida ayaa waxaa argagixiso u aqoonsan Maraykanka, Midowga Yurub, Turkiga iyo Qaramada Midoobe.

Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa taleefano kula hadlayey madaxda gobolka, waxaana afartii maalmood ee la soo dhaafay uu laba jeer la hadlay wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan, ayuu yidhi Miller.

Turkiga ayaa ciidamo ay ka joogaan waqooyiga galbeed ee Suuriya, wuxuuna taageero siiyaa qaar ka mid ah mucaaradka oo ay ku jiraan Ciidanka Qaranka Suuriya (SNA) – inkasta oo ay Xayat Taxriir al-Sham u arkaan koox argagaxiso ah.

Mar la waydiiyay in Maraykanku uu doonayo in uu la macaamilo hogaamiyaha Xayat Taxriir al-Shaam, Axmed al-Sharaa, oo loo yaqaan Abu Mohammed al-Golani, Miller wuu diiday in uu sheego laakiin ma aanu meesha ka saarin.

“Waxaan aaminsan nahay inaan awood u leenahay inaan si un ula xidhiidhno, si toos ah ama si dadban, dhammaan dhinacyada ay khuseyso,” ayuu yidhi Miller.

Mareykanka ayaa Golani u aqoonsaday argagixiso sanadkii 2013, isagoo sheegay in Al Qacidada Ciraaq ay u xil saartay in uu xukunka ka tuuro Bashar Al-Assad, isla markaana uu shareecada Islaamka ka hirgeliyo dalka Suuriya.