Qore: Cabdiwahaab Daahir Xasan
Hargaysa (Dawan) Xuska maalinta Illaalinta Xuquuqda aadanaha oo sanad walba laga xuso dunida ayaa waxa lagu qabtay magaalada Hargeysa, iyadoo shirkan uu soo qaban-qaabiyey Komishanka Somaliland u qaabilsan Ilaalinta Xuquuqda aadanaha.
Xuskan ayaa sidoo kale waxa kulamaanaa xidhitaanka 16-ka cisho ee ololaha wacyigalinta tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo dadka nugul, sidoo kale halku dhagga sanadka ee maalinta ilaalinta xuquuqda aadnaha ayaa sanadkan ahaa Ilaalinta xuquuqdeena ee Maanta waa Mustaqbal keeena oo hagaaga.
Agaasimaha fulinta Komishanka ilaalinta Xuquuqda aadamaha Mudane Somaliland Cabdisamad Sacad Xasan, oo halkaasi ka hadlayey ayaa ka waramay waxyaabihii u qabsoomay Komishanka iyo ujeedada munaasibadan maalinta caalamiga ah ee ilaalinta Xuquuqda aadanaha.
Agaasimaha ayaa sheegay in sanadkii ugu dambeeyey ay Komishan ahaan ay sameeyeen kormeerid joogta ah oo ay ka sameeyeen guud ahaan Somaliland, kaas oo salka ku hayay ilaalinta tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha gaar ahaan haweenka iyo dadka nugul, waxa kale oo uu intaasi ku daray in ay sanadkii u dambeeyey ay siiyeen kaalmo sharci oo lacag la’aan ah dad gaadhaya 200 oo qof, kuwaas oo ah dadka nugul isla markaana helaan qareen bilaash ugu dooday.
Agaasimaha komishanka ilaalinta xuquuqda aadanaha ayaa geesta kale sheegay in ay qaybo ka mid ah Ciidanka booliska Somaliland, ku tababareen ilaalinta tacadiyada ka dhanka ah dadka nuqul, kuwaas oo lagu tababaray dhamaan xuquuqaadka bulshadu leedahay iyo qaabka ay adeega bulshada u siinayaan, waxa kale oo uu xisay in ay u qabteen kulamo daneeyayaasha arimaha xuquuda saxaafada si ay hoos ugu dhigaan xadhiga sharcida darada ah ee dhinaca saxaafada isla markaana sida uu agaasimuhu sheegay ay sanadkii u dambeeyey ay hoos udhac badani ku yimid xadhiga sharci darada ee ka dhanka ah saxaafada.
Gaba-gabadii munaasibadan ayaa waxa ka soo qaybgalay qaarka mid ah masuuliyiinta hay’addaha kala duwan ee dawlada, hayadaha ka shaqeeya ilaalinta xuquuqda adanaha, ururada u dhaqdhqaaqa ilaalinta tacadiyada ka dhanka ah dadka nugul, aqoon yahan, haween iyo marti sharaf kale, waxaaney guud ahaantood bogaadiyeen shaqada hufan ee uu Qaranka u qabtay koomishanka xuxuquuqal iinsaanka Qaranku.