Qore: Cabdiwahab Dahir Xasan
Hargaysa (Dawan) Taliyaha ciidanka Booliska Somailand sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale ayaa sheegay inay ka qayb qaateen doorashooyinkii dalka ka dhacay ciidan gaadhay 15 kun oo askari, kuwaasi oo sugayay amniga doorashada.
Taliyaha ciidanka Booliska oo ka qayb galay kulan Komishanka doorashooyinku u qayteen daneeyayaashii doorashada ayaa tilmaamay in ka ciidan ahaan ay galeen doorashada iyaga oo feejigan, ciidankuna ay qabaan wacyigalin badan.
Sidoo kale Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland ayaa ka xog waramay waxyaabaha fududeeyay inay doorashadu dalka si nabadgelyo ah uga qabsoonto waxaanu yidhi “Laamaha amniga markaanu nahay, waxaanu runtii galnay anaga oo feejigan oo dareemo badan oo amniga ku saabsana qabna iyada oo natiijadii ka soo baxdayna ay noqotay mid aynu ILLAAHAY ugu xamdi naqayno ay noqotay.
Waxaan is leeyahay waxyaabaha fududeeyay waxa ka mid ah qorshe wanaagsan oo Komishankan oo dhalonyaro ahaa, daacad ahaa, karti u saaxiib ahaa oo mar walba diyaarsanaa qorshe ay sameeyeen kow buu ka ahaa.
Gebo’gabadii Taliyaha ciidanka Booliska ayaa timaamay inay sugayeen amniga iyo nabadgelyada doorashooyinkii adkaa ee dalka ka dhacay ciidan cadadkoodu dhan yahay 15 kun oo askari, kuwaasi oo ku hawlanaa ilaalinta doorashooyinka waxaanu yidhi “Waxa kale oo laba ka ahaa ciidamada oo iyaga oo diyaarsan oo kala duwan, ciidamo badan oo ilaa shan iyo toban kun ah ayaa ka qayb galay doorashada, laakiin ciidanku isaga oo la wacyigaliyay haddii uu sanduuq qaadayna diyaarsan, hadii uu heegan yahayna diyaarsan, haddii uu amniga hayayna diyaarsan ayuu shaqada galay.
Ciidamaduna way isku xidhnaayeen, Komishankana way ku xidhnaayeen, taasina qayb kale oo fududaysay bay ahayd runtii”.