Somaliland oo laga Daah-Furay Xarunta Maaraynta Gaadiidka Xamuulka Qaada ee Itoobiya

0
74

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah u daah-furtay laba xafiis oo kala ah Xarunta fududaynta adeegyada badeecaddaha u gudbaya Itoobiya ee ka soo dega dekada Berbera (Transit Goods) iyo xarunta Taraansidka kastamka (Xarunta Xakamaynta Gaadiidka Itoobiya), kuwaasi oo si rasmi ah looga kala furay xarunta dekeda Berbera iyo Magaalada Tog-wajaale.

Sida ay baahisay warbaahinta  Addis Insight  ee dalka Itoobiya, xafiisyadan oo laga daah-furay  Dekeda Berbera iyo Magaalada Wajaale ee Somaliland, ayaa ah tallaabo weyn oo loo qaaday dhinaca xoojinta xidhiidhka ganacsi ee Somaliland iyo Itoobiya, taas oo ka dhigan wax weyn oo u qabsoomay iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya ee labada dal.

C/rashiid Ibraahim, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland, ayaa faahfaahin dheer la bixiyay muhiimadda ay leedahay horumarkani. “Tani waa tallaabo weyn oo sare loogu qaadayo xidhiidhka ganacsi iyo maalgashi ee ka dhexeeya labadeena dal,” ayuu yidhi.

Warbaahinta  Addis Insight ayaa sheegtay in tallaabadani ay muujinayso sida ay Somaliland uga go’antahay xoojinta iskaashiga dhaqaale ee gobolka, “Heshiiskani wuxuu muujinayaa sida ay Somaliland uga go’an tahay xoojinta iskaashiga gobolka iyo dhaqaalaha.”

Xaruntan cusub ee gaadiidka Itoobiya ayaa shaqadeedu tahay in lagu maamulo gaadiidka xamuulka ee qaadaya shixnadaha laga soo dejiyo Dekedda Berbera ee la geynayo meelo kala duwan oo dalka Itoobiya ah, si loo habeeyo saadka iyo kor u qaadida tayada ganacsi ee ka dhexeeya labada dal.

Telefishanka Qaranka Itoobiya ayaa sheegay in Spachi Watanvarachi, oo ah madaxa fulinta ee DP World Berbera (shirkadda maamusha dekedda ee Imaaraadka Carabta)- uu goob joog ka ahaa furitaanka rasmiga ah. Watanvarachi waxa uu iftiimiyay doorka nadiifinta, isaga oo yidhi, “Xafiiskani waxa uu masuul ka yahay daabulka shixnadaha kala duwan ee laga soo dejiyo dekeda Berbera ee la gaynayo dalka Itoobiya”.

Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Somaliland Dr. Sacad oo ku dheeraaday ahmiyadda munaasibadda, ayaa waxa uu yidhi “Itoobiya iyo Somaliland waxa ka dhexeeya xidhiidh adag. Itoobiya oo dadkeedu dhan yihiin 120 milyan, waxay isticmaali kartaa dekedo kale, taas oo sii xoojin doonta iskaashiga dhaqaale ee naga dhexeeya.”

Hindisahani waxa uu hoosta ka xariiqayaa sida ay Somaliland ugu heelan tahay horumarinta isku xidhka gobolka iyo kobaca dhaqaalaha, iyada oo xoojinaysa xidhiidh faa’iido u leh Itoobiya. Iyadoo la fududeynayo hawlaha ganacsiga ee fudud, Xarunta Xakamaynta Gaadiidka Itoobiya ayaa lagu wadaa inay door muhiim ah ka ciyaarto kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga labada waddan.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sharraxay muhiimadda furitaanka Xafiisyadan oo loogu talo-galay bixinta adeegyada hawlaha badeecaddaha u gudbaya dhinaca Ethiopia. Xafiisyadan oo loo yagleelay si ay gacan uga gaystaan  dhamaan xogta looga baahan yahay arrimahan, taas oo dadka ka kaalmayn doonta hanaanka la bixista badeecaddaha iyo wixii cabasho iyo weydiimo qaba..

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ujeedka munaasabaddani waxa ay daarantahay laba ulajeedo, mida kowaad waa furitaanka Xafiisyada anu uugu talogalay bixinta adeegyada hawlaha badeecaddaha u gudbaya dhinaca Ethiopia, xafiisyadan waxa loo yagleelay si ay idiinka gacansiiyaan dhamaan xogta aad u baahantihiin, waxa ay idinka kaalmeyn doonaan hanaanka la bixista badeecaddaha iyo wixii aad cabasho ama weydiimo qabtaan. “

Wasiirku waxa uu intaasi ku daray “Ujeedka kale ee aanu hawshan uuga dan leenahay waa sidii aad wax uuga ogaanlahaydeen Marsadan Caalamiga ah ee Berbera, waa deked casri ah oo ay hawsheedu u socoto hanaan hufan oo wax-ku-ool ah. Waxa Gobolkan Geeska ku yaala dekeddo badan sida; Dekedda Djibouti, Dekedda Mombasa, Dekedda Darussalam iyo Dekedda Maputo ee Dalka Mozambique, waxa aan filayaa Dekedda Berbera waa mida hogaaminaysa dekeddahaas.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in Dekeddan Berbera ay dejin karto 500,000 oo koontiinar sannadkii {500,000 TEUs}, waxaanu yidhi “Sidii aad ka arkayseen war-bixinta Dekeddan Berbera waxa ay dejin kartaa 500,000 oo koontiinar sanadkii {500,000 TEUs}, waxa ay u jirtaa xuduuda 250KM oo kaliya, waxa ay gaadiidka shixnadda-sidda ku qaadanaysaa inta u dhaxaysa afar ilaa afar saac iyo badh laga bilaabo Berbera ilaa iyo Tog-Wajaale, wadadu aad ayey u fiicantahay, indhihiina ayaad ku soo aragteen saaka subaxdii markii aad soo maryseen, waa jid tayadiisu sarayso {First Class Road}, maaha halkan ilaa Hargeisa uun balse jidku wuu xidhiidhsanyahay halkan ilaa Wajaale, waxa sidoo kale halkan ku yaala Madaar aad u fiican, malaha idiin suurtogali mayso inaad maanta soo aragtaan, laakiin waa mid ku haboon shixnaddaha dhinaca cirka {Air Cargo}, waxa aanu sidoo kale leenahay aag ka caagan cashuuraha {Economic Free Zone} sidii war-bixinta la idinku siiyeyba.

Somaliland iyo Ethiopia waxa ka dhexeeyey xidhiidho soojireen ah iyo cilaaqaad ganacsi oo xoogan, xiligan hada la joogo waxa aan filayaa Somaliland kaalinta 5aad ayey kaga jirtaa dalalka Ethiopia la le ganacsiga”.”