“Kursiga Madaxwayanuhu Wuu Hawl Badan Yahay Wax Kasta oo Dhacana Adiga ayaa Dusha Lagaa Saari…..” Daahir Rayaale

0
44

Qore: Cabdiwahaab Daahir Xasan

Hargaysa (Dawan):- Madaxwaynihii Saddexaad ee Jamhuuriyada Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin oo ka qayb galay xaflada caleemo saarka iyo xil warejinta ee madaxwaynihii hore Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxwaynaha cusub ee somalilnad Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro ayaa ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa taas oo iskugu jirtay dardaaran, talooyin iyo duco.

Ugu horayn Madaxwayne Rayaale oo la hadlayey madaxwaynaha cusub ayaa waxa uu kula dardaarmay in arrimaha Qaranka ee uu go,aanka ka gaadhay inuu hubiyo dhawr jeed isl markaasina aad uga fiirsado waxaanu yidhi “Cabdiraxmaan kursiga Baarlamaanka ayuu soo maray oo waa run, laakin kursiga madaxwayanuhu wuu ka hawl badan yahay, wax kasta oo dhaca adaa dusha laguu saari, waxay u baahan tahay in aad mid kataba laba saddex jeer aad hubiso intaadan go,aanka qaadan”.

Markale Madaxwayne Daahir Rayaale oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Waxa lagaaga baahan yahay adigu in aad noqoto cida go,aanka ugu dambeeya qaadanaysa, balse aanay cidi talada kuu yeedhin oo aanay ku odhan kaa noo qor iyo kaa noqor ee cida aad doonto aduu dooro”.

Geesta kale Mudane Daahir Rayaale kaahin ayaa shacabka reer soomaliland kula dardaarmay in ay iska daayaan qabyaalada isla markaana ay ka shaqeyaan waxa ummada reer soomaliland danta u aha, iskuna soo dhawaynaya,waxa kale oo uu xusay in aan dal shacabkoodu is haystaa aanay meel gaadhi karayn waxa kaliya ee qaranka Somaliland ku dhismayaana ay tahay in dadku is ogolyihiin, maadaama Somaliland tahay dal soo koraya dunidana aan ictiraaf ka haysan.

Madaxwayne hore Daahir Rayaale ayaa ka warbixiyey sooyaalkii iyo wakhitigii la soo bilaabay geedi socodka doorashooyinka qof iyo codka ah ee somalinad ka hirgayshay, oo ahayd sanadkii labadii kun haatana lamarayo laba iyo labaatan sano oo si dimuqraadi ah laysku doorto oo shacabka reer Somaliland hadba qofka ay u arkaan in uu wadi karo codkooda ku doortaan, taasi oo ka dhingan in ay shacabka reer Somaliland markii afraad ay si qof iyo cod ah madaxwayne ay u doorteen.