Qore: Cabdiwahaab Dahir Xasan
Kadib Doorashadii isa saarka ahayd ee 13kii bishii November dalka ka dhacday isla markaana uu ku guulaystay Madaxwayanaha cusub Cabdiraxmaan maxamed Cabdilahi ciro ayaa bil kadib maalintii doorashadu dhacay sida u Dastuurka Somaliland dhigayo waxa xarunta madaxtooyada ee somalilnd ka dhacay xilwareejinta iyo caleemo saarka ay xilka kula kala wareegeyeen madaxwayniihii hore muuse Biixi iyo madaxwaynaha cusub ee xilka lawareegay mudane Cabdiraxmaan Ciro.
Markii ay xalaflada xilwareejintu soo dhamaatay waxa qasriaga madaxtooyada lug kaga soo baxay madaxwaynaha xilka wareejiyey Mudane muuse biixi Cabdi, waxa sidoo kale barxada madaxtoyada Somaliland horteeda tubnaa boqolaal dadwayne ah oo u sii galbiyey madaxwaynaha xilka ka dagay waa muuse biixi cabdiye kuwaas oo lulayey calanka Somaliland caleemo qoyan iyo calka xisbiga mucaaradka ah ee kulmiyeb.
Madaxwayanha xilka ka dagay Muuse Biixi Cabdi ayaa marki lagaadhay hoyga uu ka dagan yahay magaalada hargaysa waxa uu lahadlay dadwaynihii tirade badnaa ee soo galbinayay Qasriga Madaxtooyada ilaa laga soo gaadhayey gurigiisa ayaa jeediyey qudbad dhinacyo badan taabanaysa waxa na uu yidhi.
“Inaga ayaa qaranka ilaalinayna, waynu la ilaalinaynaa, haddii ay khaldamaana si miyir qabta ayeynu waxa ugu sheegaynaa, cirro waxa uu balan qaaday qaranka Somaliland in uu u adeegayo, si sinaan ah, in uu aqoonsiga raadinaayo, oo uu wanaag mooyee xumaan doonayn, wax kasta oo ina dhexmaray qarankaa ka way, markaa walaalayaal xoogiina in aad muujisaan waan idin ogalahay, calaacal, buuq iyo oohin midna ma jirto”
Gabagabadii Madaxwaynihii hore Somaliland ayaa guud ahaa shacabka reer Somaliland ugu baaqay in xukuumada cusub lasiiyo wakhti isla markana ay lashaqeyaan inta ay cusub tahayna la barbar istaagu oo aan lagu dag dagin, waxa kale oo uu xusay in mucaarada xisbiga KULMIYE noqon doonto mid wax dhista balse aanay noqon doonin mid wax dumisa.