Maraykanka oo Sheegay in Somaliland ay Dimuqraadiyadda Hormuud iyo Tusaale ugu Tahay Qaaradda Afrika oo Dhan

0
82

Madaxweynaha oo qaabilay weftiyo ka kala socotay beesha caalamka oo ay ka mid yihiin Ingiriiska iyo Maraykanka

Hargeysa (Dawan)- Safiirka dawladda Maraykanka Richard H. Riley, ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland aanay dhinaca dimuqraaddiyadda kaga horraynin kaliya mandaqada Geeska Afrika, balse ay hormuud iyo tusaale ugu tahay dhammaan qaaradda Afrika iyo caalamka ba.

Richard H. Riley waxa uu sidaas ku sheegay hadal uu ka jeediyay xafladdii xil wareejinta madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxaanu tilmaamay inuu madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uga sido Somaliland dhambaal hambalyo ah oo ku wajahan dimuqraaddiyadda iyo doorashooyinka xorta ah ee ka qabsoomay Somaliland.

Safiirku wuxuu ballan qaaday in madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland ay dawladda Maraykanku la shaqeyn doonto, kuna faraxsan tahay in ay iskaashi la yeelato Somaliland.

Richard H. Riley waxa kale oo uu u mahadceliyay madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo shacbiga reer Somaliland.

Safiirka dawladda Maraykanka Richard H. Riley oo ka hadlayay heerka iyo meeqaamka sare ee ay gaadhsiisan tahay dimuqraadiyadda Shacabka iyo Qaranka Somaliland waxa uu yidhi “Shacabka Somaliland waxay tusaale u noqdeen dimuqraadiyada oo ay kaga horreeyaan mandaqadda Geeska, kaliya maaha in ay kaga horeeyaan Mandaqada oo kaliya ee waxay tusaale iyo hormuud ugu yihiin Afrika oo dhan iyo caalamka ba. Waxaan ku hanweynahay in aannu noqono saaxiibada iyo lammaanaha mustaqbalka ee Somalland.”

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa xil-wareejintii kadib waxa uu kulamo la qaatay qaar ka mid ah safiirradii iyo madaxdii beesha caalamka ee ka soo qayb galay munaasibadda xil-wareejintii Madaxweynaha cusub ee Somalilland.

Madaxweynaha JSL waxa uu kulan gaar ah la yeeshay safiirka dalka UK Ambassador Michael Nithavrianakis iyo madaxdii kale ee la socotay, waxaanu Safiiru madaxweynaha cusub ku hambalyeeyey xilka madaxweynaha Somaliland oo loo dhaariyey, isaga oo sheegay safiirku in dawladiisu diyaar u tahay in ay sii xoojiso xidhiidhka qotada dheer ee Somaliland kala dhaxeeya .

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa dhankiisa dawladda Ingiriiska uga mahadceliyey garab istaaga ay mar walba Somaliland u muujiso.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxa uu kulan la qaatay safiirka dalka Mareykanka Ambassador. Richard H. Riley oo ay wehelinayeen taliyayaasha ciidamada Maraykanka ee AFRICOM .

Safiirka Mareykanka ayaa ugu hroreyn madaxweynaha cusub ugu hanbalyeeyay xilka madaxweynaha Somaliland oo Khamiistii si rasmi ah loogu dhaariyey . Sidoo kale safiirka Mareykanka ayaa waxaa uu madaxweynaha cusub u soo bandhigay sida uu Mareykanku ahmiyad gaar ah u siinaayo inuu sii xoojiyo xidhiidhka Somaliland .

Ambassador Richard H. Riley waxaa uu si gaar ah hoosta uga xariiqey in Mareykanku qorsheynayo in iskaashi dhanka ammaanka ah la sameysto Somaliland .

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa isaguna dhankiisa caddeeyey inuu diyaar u yahay sidii uu u sii xoojin lahaa xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo Mareykanka .

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa horraantii bishan kulan kan oo kale ah la qaatay isla Safiirka Maraykanka Danjire Richard H. Riley oo ay wehelinayaan taliyayaasha ciidamada AFRICOM, waxaanu madaxweynuhu qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay internetka uu ku sheegay in Safiirka Maraykanka ay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalweynaha Mareykan, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan “Waxa aan maanta qaabilay wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Danjiraha dalka Mareykanka Danjire Richard H. Riley oo ay wehelinayaan taliyayaasha ciidamada AFRICOM. Wefdiga waxa aannu si qoto dheer uga wada hadalnay sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalweynaha Mareykan.

Sida oo kale, Danjiraha Mareykanku waxa uu na soo gaadhsiiyey dhambaal hambalyo ah oo uu ka siday dawladdiisa Maraykan. Doorashooyinkii Jamhuuriyadda Somaliland ka dhacay 13kii November , waxa ay noqdeen doorashooyin indhaha caalamka si weyn ugu soo jeedisay dalkeenna, inoona soo jiidi doona fursado maalgashi oo caalami ah.”