Nibrigu wuxuu guuraa geedi dheer oo ka yaabiyey saynisyahanada

0
48

Nibiriga(Whale) nooca loo yaqaano humpback ah ayaa sameeyay mid ka mid ah hayaankii ugu dheeraa uguna la yaabka badnaa ee abid la diiwaan geliyo, oo ay suurtogal tahay in uu horseedo isbeddelka cimilada, saynisyahannada ayaa sidaa yidhi.

Waxaa lagu arkay Badweynta Baasifigga ee Colombia 2017-kii, ka dibna dhowr sano ka dib wuxuu ka soo baxay meel u dhow Zanzibar ee Badweynta Hindiya – masaafo dhan ugu yaraan 13,000 km.

Khubarada ayaa u malaynaya in safarkan xamaasadda leh laga yaabo inuu hoos ugu dhaco isbeddelka cimilada oo baabi’inaya kaydkii cuntada ama laga yaabee inuu yahay mid uu u socdaalayo sidii uu u heli lahaa lammaane xilliga orgoodka.

Ekaterina Kalashnikova oo ka tirsan barnaamijka Cetaceans ee Tansaaniya ayaa sheegtay in waxqabadkani uu ahaa “runtii mid cajiib ah oo aan caadi ahayn xitaa marka la eego noocyada aadka u haajira”.

Waxay saynisyahanadu la yaabeen markii sawirkiisa lagu arkay 2022, meel ka baxsan xeebta Zanzibar, isaga oo sanadkii 2017 joogay Badweynta Baasifigga ee Colombia .

Dr Kalashnikova ayaa sheegay in tani u badan tahay n ay noqoto masaafada ugu dheer ee nibiriga humback laga duubay isaga oo socdaalaya.

Nibiriyada Humpback waxay ku nool yihiin dhammaan badaha adduunka. Waxay safraan masaafo dheer sannad kasta waxayna leeyihiin mid ka mid ah socdaallada ugu dheer ee naasley kasta, iyaga oo ka soo dabbaalanaya dhulalka kuleylaha ee ay ku tarmaan ilaa meelaha ay daaqaan ee biyaha qabow.

Laakiin safarka Labkan ayaa ahaa mid aad u cajiib badan, oo ku lug leh laba goobood oo aad u kala fog.

Hal aragti ayaa ah in isbeddelka cimiladu uu beddelayo tirada badan ee noolaha yaryar ee krill ee ay quutaan Nibiriyada humpback, kuwaas oo jawigu ku khasbayo inay aad u sii safraan iyaga oo raadinaya cunto, sidaas oo kale ay nibiriyaduna ka daba safraan.

Waxa kale oo laga yaabaa in nibiriyada laftoodu ay sahamiyaan dhul cusub oo lagu tarmi karo iyaga oo badbaadinaya dhalahooda ama doonaya in ay dhul cusub helaan.

“In kasta oo sababaha dhabta ah aan la garanayn, waxaa laga yaabaa in waxyaabaha dabada ka riixaya socdaalada inay yihiin isbeddel caalami ah ku yimid cimilada, dhacdooyinka deegaanka ee aadka u daran (oo maalmahan aad u badan), iyo hababka kobcinta noocyada,” ayuu yidhi Dr Kalashnikova.

Labka wareegaya waxa uu ka mid ahaa koox humpbacks ah oo laga soo sawiray markab cilmi baadhiseed oo ku sugnaa xeebaha Baasifiga ee Colombia 2013kii.

Ka dib waxaa lagu aqoonsaday aag la mid ah 2017 ilaa hada oo lagu arkay meelo ka baxsan Zanzibar 2022.

Natiijooyinkani waxay ku salaysan yihiin boqollaal kun oo sawirro nibiriga ah oo ay soo gudbiyeen cilmi-baadhayaal, ilaaliyeyaal nibiriga iyo xubno ka tirsan dadweynaha mareegaha sayniska muwaadinka, (Happywhale.com).

Xogtani waxay isticmaashaa sirdoon tiknoolaji ah qaababka kale oo lagu aqoonsado dabada nibiriyada humpback, iyo la socodkiisa meelo kala duwan.

Cilmi-baadhista waxaa lagu daabacay joornaalka, Royal Society Open Science .