Somaliland oo Hab Casri ah u Diiwaangalinaysa Caruurta Nafaqa-darradu ku Dhacdo

0
143

Barnaamijka caafimaadka Wargeyska Dawan waa qormo todobaadle ah kaasi oo aynu ku soo bandhigno arrimaha la xidhiidha caafimaadka, isla markaasina aynu diirada ku saarno hadba mawduuca muhiimka ah ee ay bulshadu tabayaan.

Todobaadkan waxa aynu ku soo qaadanaynaa barnaamijka caafimaadka Wargeska Dawan wasaaradda caafimaadka Somaliland oo qabatay tababarka mashruuca danabaynta, barnaamijka daawaynta nafaqada-darrada daran ee carruunta ooh ab casri ah loo diiwaangalinayo.

Wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo kaashanaysa hay,adda, UNICEF iyo Hay’adda Ogow Health, ayaa soo gabogabaysay, Tababarka Mashruuca danabaynta barnaamijka dawaynta Nafaqa-darrada daran (Digitalization of wasting registry Training rollout in Somaliland) oo ah, hab si casri ah oo loogu diiwaan-gelinayo caruurta ka yar 5 sano ee ay ku dhacdo nafaqo-darradu, iyadoo la adeegsanayo kambuutar-rada gacanta (tablets) ku xidhiidhsan internet-ka si xogta caruurta ka diiwaan-gashan barnaamijku ay u noqoto mid si sahlan loo heli karo, xafidsan, isla markaana loola wada socon karo, si fudud si loogu go’aan qaato.

Tababarkan oo socday muddo 14 maalmood ah, maantana lasoo gabogabeyey wajigiigii u dambeeyey, ayaa waxaa ka qayb-qaadanayay hawlwadeeno Caafimaad oo ka kala socday xarumaha Caafimaadka ee Gobolka Maroodijeex oo ah Gobolkii u dambeeyey ee lagu tababaro habkan casriga ah, ayaa waxaa xidhitaankiisi kasoo qaybgalay, masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee kaydinta xogta Caafimaadka iyo qaybta nafaqadda, Masuuliyiin sarsare oo ka socday, hay,addaha UNICEF iyo Ogow Health kuwaas oo hirgallinta barnaamijkan gacan weyn ka siiyay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL.

Gabogabdii tababarkan ayaa waxaa hadalo kala duwan ka jeediyay, madaxa nafaqadda ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, madaxa kaydinta xogta caafimaadka, iyo Sidoo kale, masuuliyiin ku hadlayay afka hay,addaha UNICEF iyo Ogow, iyagoo ku dheeraday mudadii uu tababarkani soo socday iyo waxyaabihii mudadaa lagu tababaray shaqaalaha, isla markaana u mahadnaqay dhammaan shaqaalihii ka qayb qaatay mudadii tababarkaasi socday iyo hawlwadeenadii bixinayay tababarkan.

Ugu dambayn shaqaalihii tababarkan dhamaystirtay ayaa la gudoonsiiyay shahaadooyinkoodii, iyadoo lagula dardaarmay in ay weeleeyaan aqoontii ay barteen mudadii uu tababarku socday, dibna ugu celiyaan xarumihii ay ka kala imaadeen oo ay ugu shaqeeyaan bulshadooda.