Suuriyaanka Hargeysa ku Nool: “Kuma Laabanayo Syria Xitaa Haddii ay Amaan Noqoto”

0
55

Hargeysa (Dawan)- Qaar ka mid ah qaxootiga suuriyaanka ah ee ku nool magaalada Hargeys ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in aanay ku laabanaynin dalkoodii hooyo ee Suuriya, xitaa haddii ay nabad iyo ammnaan noqoto

Ibrahim Cali oo ah qaxooti Suuriyaan ah oo ku nool magaalada Hargeysa, ayaa ka mid ah dadka aaminsan in aanu ku laabanaynin Suuriya ee uu noloshiisa ka sii wadanayo Somaliland. Ibraahin waxa uu magaalada Hargeysa ka furtay oo uu ku leeyahay makhaayad yar oo lagu iibiyo cuntooyinka fudud sida digaagga iyo kabaabka. Meheradaasi oo la yidhaahdo Ibnu Sham. Hadda waxa uu maamulaa 12 qof oo shaqaale ah.

“Xitaa haddii dalkaygu nabad noqdo, dib uma laabanayo,” ayuu BBC-da u sheegay kaddib markii uu soo baxay warka sheegaya in taliskii kaligii taliye Bashar al-Assad uu dhacay, isaguna u baxsaday dalka Ruushka.

Ibraahim wuxuu ka sheekeeyay in markii saddexaad uu noloshiisa dib u dhisayo ilaa markii uu ka soo tagay dalkiisa. Wuxuu sheegay hadii ganacsigiisu guuleysto in aanu ku laabaneyn Suuriya, xitaa hadii ay nabad tahay “Waa laga yabaa in aan salaan ugu tago qaraabadeyda balse si joogto ah dib uguma laabanayo”.

“Jid kale iima furneyn, waxaan doortay in aan Somaliland imaado, sababta oo ah si fudud ayaan fiiso ku helay, waa meel ammaan ah oo ganacsiga ku fiican. Halkan ayaan hadda ka shaqeyneynaa,” ayuu yidhi, Ibraahin Cali.

Ibraahim waxa uu u muuqdaa mid ku faraxsan waxa ka dhacay dalkiisa balse wuxuu sheegay in uu hadda deegaan ka dhigtay Hargeysa.

Si kasta ha ahaatee, meel aan ka fogeyn waxaa jooga qof kale oo u dhashay Suuriya. Waa Mohamed Haytham Abdu-salaam. Wuxuu sheegay in laga yaabo in uu booqasho iyo salaam kaliya uu ku tago Suuriya.

29-jirkan qaxootiga ah waxa uu magaalada Hargeysa joogay ilaa 9 sanno. Waxa uu guursaday gabadh muwaadinad ah waxa uu haystaa labo carruur ah.

“Ugu horeyn way igu adkeyd in aan barto Afka-Soomaaliga oo aan fahmo dadka, balse ma dareemin in aan ahay shisheeye- waxaan arkay bulsho isoo dhaweysa,” ayuu yirdh.

Agaasime ku xigeenka Waaxda Qaxootiga iyo Barakacayaasha, Caydaruus Cismaan Xuseen waxa uu sheegay in Somaliland oo kaliya ay joogaan 1,700 oo ka soo qaxay dagaalka sokeeye kuwaas oo loo diwaangeliyay qaxooti ahaan laga soo bilaabo 20115-kii.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in xogtan ay la wadaageen hay’adda qaxootiga Qaramada Midoobay UNHCR taas oo taageero dhaqaale qoysaska qaxootiga u soo marsiisa hay’adda qaxootiga.

Toddobaadkan boqollaal qaxooti Suuriyan ah ayaa isugu soo baxay badhtamaha magaalada Hargeysa si ay ugu dabaaldegaan dhammaadka taliska Assad. Axadii, ayey kooxda hubeysan ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS) ku dhawaaqeen in Bashar al-Assad uu dalka ka cararay kaddib markii weerar kadis ah ay ku qaadeen taliskiisa iyaga oo taageero ka helaya kooxo kale oo ay isbahaysi leeyihin.

Magaalada Hargeysa, rag, haween iyo carruur ayaa waddooyinka isugu soo baxay kuwaas oo sitay calankooda kuna dhawaaqayay: “Alle ayaa weyn, Suuriya waa xor”.