Washington (Dawan)- Baarlamaanka dalka Maraykanka ayaa loo gudbiyay Mooshin lagu dalbanayo in ay aqoonsadaan qaddiyadda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo in dalkaasi uu ku dhawaaqo Ictiraafka iyo gooni isu taaga Somaliland.
Mudane ka tirsan Congress-ka dalka Mareykanka, Perry Scott, ayaa Guddiga Arrimaha Dibadda ee aqalka Wakiilladda Mareykanka u gudbiyay mooshin lagu dalbanayo “aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland”, Mooshinkaasi oo la hordhigi doono Baarlamaanka dalka si go’aan ay uga gaadhaan Ictiraafka Somaliland.
Xildhibaan Perry Scott oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee Madaxweyne Trump oo laga soo doortay gobolka Pennsylvania iyo xildhibaan Andrew Ogles oo ah xildhibanka labaad ee la asaasay mashruuca sharci (cosponsor, lagana soo doortay gobolka Tennessee, degmada 5aad ee xisbiga ee Jamhurriga, ayaa si wayn uga shaqaynayaa arrimaha la xidhiidha aqoonsiga Somaliland ee dalka Maraykanka.
Mooshinka oo tirsigiisu yahay H.R.10402-118th Congress (2023-2024) ayaa si rasmi ah loo gudbiyay 12 December 2024 guddida arrimaha dibada ee Maraykanka si ay u guda galaan mooshinkaasi.
Tan iyo markii dib loo doortay Trump waxaa si weyn u soo baxaysay in xisbiga Jamhuuriga ay u ololeynayaan in la Aqoonsado Somaliland, waxaana qorshahan ay ku caddahahay barnaamijka “Project 2025” oo ay dejisay hay’add u janjeedha dhanka Jamhuuriga oo Heritage Foundation la yidhaahdo, oo soo saarta macluumaadka siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka, cilmi-baadhisyada la xidhiidha siyaasadda arrimaha dibada iyo soo saarista kaadirka xisbiga Jamhuuriga Maraykanka.