Keith Leon Moore waxa uu aqoon sare u leeyahay cilmiga Baylooji-ga ee noolaha la xidhiidha waxaana uu ahaa khabiir cilmigaasi ka dhiga jaamcadda University of Toronyo ee dalka Kanada. Isagoo markii danbe madax ka noqday kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda.
Moore ayaa buugiisa uu u bixiyay โDeveloping Humanโ kaasi oo uu kaga waramyo abuurka qofka ku cadeeyay in ilmaha yari marka uu caloosha hooyadii ku jiro uu soo maro marxalado kala duwan oo ah, candhuuf, Xnijir, waslad ilaa uu qofku dhamaystirmo.
Baadhistiisa ayaa waafaqday sida Quraanka Kariimka ahi u cadeeyay. Sanadkii 1980 ayuu dalka sacuudiga gaar ahaan Jaamacadda Malik C/casiis ka codsaday inay ka caawiyaan sida Quraanku uga waramyo abuurka ilmaha iyo uur ku jirta, waxaana lagu casuumay dalkaasi si uu muxaadaro ugu soo bandhigo. Markii qaabka Quraanka iyo xadiisku uga waramay si fiican loo fahamsiiyay waxa uu yidhi :โ Waa sida, waxaana uu cadaynayaa in Muxamed uu ahaa Rasuulโ . Baadhista cilmiga ee soo baxdaa waxay waafaqdaa islaamku sida uu uga waramay.