Dadaalka Iyo Helidda Xalka Mushkuladda!

0
57

Subaxanimadii 22 Bishii June sanadkii 1983, Maxadada tareenku ka dhaqaaqo ee ku taalla caasimaadda Japan ee Tokoyo waxa istaadhmi waayay Tareenka wakhtigaasi dhaqaaqi laha , waxaana amintaasi fuushana rakaab dhan 2500, qof oo qaarkood shaqooyinkooda ku socday iyo qayb kale hawlo iyaga u gaar ah u socday. Dhamaan Farsamayaqaanadii xarunta joogay ayaa isku deyay inay Tareenka cillada ka saaraan oo ay is taadhaan, si ay usoo afjaraan cabashada rakaabka saaacaddu ka dhacayso wakhtiguna ka lumayo.

Ugu danbayntii Baadhis dheer, waxa cadaatay in cayayaan aad u yar oo xajmigiisu yahay  3 mm oo keliya ahi, uu ku dhegan yahay Mishiinka gudihiisa, kaas oo sabab u noqday cillada ku timi tareenka.

Marka arinkaasi loo fiirsadana waxa iska cad in nolosheena waxyaabo yar-yar oo aynaan arkayn ku noqonayaan caqabad joojisa halka aynu rabno in aynu u dhaqaaqno, laakiin waa in aynu baadhnaa oo xalka helaa, si aan socodka u sii wadano oo aynaan u fashilmin, markaas ayaa laga gaadhaya yoolka la higsanayo.