Madaxda Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo Xilka la Wareegay

0
34

Khadar M. Dhako

Hargeysa(Dawan) Wasiirka cusub ee Wasaarada horumarinta Caafimaadka Dr.Xuseen Bashiir Xirsi iyo Wasiir ku xigeenka cusub  ee Wasaarada Caafimaadka Marwo Samsam Maxamed Saalax ayaa shalay si rasmiya xilkii ugala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) iyo Wasiir ku xigeenka hore  Liibaan Yuusuf Cismaan.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Xuseen Bashiir Xirsi oo hadal ka jeediyay Munaasibada xilka wareejinta ayaa  sheegay in uu ka shaqayn doono adeega Caafimaadka ee guud ahaan dalka.Waxaana uu yidhi”Waxaan aad ugu mahadcelinayaa Madaxwaynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland,Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,fursadda uu ii siiyay in aan bulshadayda u shaqeeyo, waxaanan ka shaqayn doonaa sidii loo Horumarin lahaa, adeega  Caafimaadka ee guud ahaan dalka,”.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda ee Horumarinta Caafimaadka Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu sheegay in wax badan ku soo kordhiyeen Wasaarada.Waxaana uu yidhi”Waxa aan manta(shalay) wareerinayaa, wasaarad aanu kasoo dhaqaajinay halkii aanu ugu nimid oo aanu wax badan ku kordhinay, idinkuna inaad halkaa kasii qaadaan ku dedaala,”.

Wasiirku xigeenka cusub ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Marwo Samsam Maxamed Saalax oo hadal ka jeedisay halkaas ayaa waxa ay tilmaantay in horumarin ku samayn doonaan Wasaarada.Waxaana ay tidhi“Waxa aan imid wasaarad aan hore uga mid ahaa oo aan doonayo inaan ka mid noqdo dadka ku sa-maynaya horumarinta,”.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda  Horumarinta Caafimaadka Liibaan Yuusuf Cismaan oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu sheegay in sharaf u tahay  in toban sanno ka dib uu xilka wareejiyo. “Waxaa ii sharaf ah inaan toban sano ka dib maanta eed la,aan aan wareejinayo xilka wasiirnimo,”.