Hargeysa (Dawan):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa kulan kala yeeshay Madaxda Qaranka xaaladda nabad gelyo iyo ammaanka Ceerigaabo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiraxmaan Cirro,ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabiley Shir gudoonka labada gole ee guurtida iyo wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Gudoomiyaha Maxkamada sarre, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed.
Madaxweynuhu waxa uu uga mahadnaqay shir-guddoonka labada gole iyo guddoomiyaha Maxkamada sare ka wada shaqaynta danaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidoo kale, waxay wax iska waydiiyeen sidii talo Qaran looga yeelan lahaa shaqaaqooyinka ka dhacay Magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag iyo sidii xasiloonida bulshada loo adkayn lahaa.
Gaba-gabadii Madaxweynuhu waxa uu hay’adaha Qaranka ee sharci dejinta iyo garsoorka u balan qaaday inuu la yeelan doono wada shaqayn dhaw.