Maalintii Shalom Mirembe laga soo celiyey Dugsiga ama Iskuul bishii hore lacag la’aan darteed, aabaheed wuxuu jiifay isbitaal hooyadeedna way ag fadhiday, waxa hooyadeed soo wacay masuuliyiinta dugsigu oo waxay ka dalbanayeen lacagtii Iskuulka.
Mirembe Hooyada, waxay iibisa Kabo oo suuqa la fadhiistaa carruurteeduna waa afar, waxa qalbi jab ku ah kharashyada dugsiga oo aan la saadaalin karin oo aan sharci lahayn iyada oo la haglamaysa noloshooda. Hanjabaadaha joogtada ah ee lagu dalbanayo lacag bixinta Iskuulka waxay ku haysaa werwer. Saraakiisha dugsiya qaar ayaa dulqaad badan, laakiin ugu dambayntii dulqaadkii way jareen.
Sidee la isu waafajin karaa dalabka Iskuulada iyo wax la’aanta waalidka Tani waa arrin xanuun badan ku haysa qaar badan oo ka mid ah dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika, kharashka dugsiyada aan la saadaalin karin waxa uu go’aamin karaa mustaqbalka ilmaha. Dalalka Saxaaraha ka hooseeyaa ayaa muddo dheer lahaa heerarka ugu sareeya ee ardayda waxbarashada ka tagta. Sababaha ka tegista dugsiyada ama School dropout way kala duwan yihiin, laakiin xanuunka dhaqaale ayaa ugu weyn.
Sannadkii hore, Baanka Adduunka waxa uu sheegay in boqolkiiba 54% dadka waaweyn ee ku nool Afrikada Saxaraha ka hooseeya qiimayn la sameeyey in arrinta bixinta kharashka dugsiga oo ka sarreeyeen biilasha caafimaadka iyo kharashyada kale.
Waxay sheegtay in khidmadaha iskuullada ay yihiin isha ugu weyn ee welwelka dhaqaale ee boqolkiiba 40% dadka Uganda, halkaas oo dugsiyada ugu sarreeya ee ay dowladdu maalgeliso hadda laga qaado ku dhawaad $700 waxbarashada saddexdii biloodba mar. Taasi waa lacag aad u badan oo ka jirta dalkan Bariga Afrika halkaas oo GDP-ga qofkiiba uu ahaa $864 sanadkii 2023.
Si ka badan wax kasta kor u kaca waxbarashada ee aan la saadaalin karin ayaa ku habsatay waalidiinta waddanka. Qaar ka mid ah dadka dhaleeceeya oo uu ku jiro afhayeenka baarlamaanka Uganda, ayaa ku baaqay in la sameeyo sharciyo looga hortagayo waalidiinta la dhiig miiranayo.
Komishanka Fursadaha Loo Siman yahay, oo ah hay’ad dawladeed oo dabagal ku samaysa sinnaan la’aanta iyo takoorka, ayaa soo saartay warbixin bishii Sebtembar oo ku baaqaysa tallaabooyin ciqaab ah oo ka dhan ah dugsiyada ay dawladdu taageerto ee u muuqda inay dejiyaan kharashyo xad-dhaaf ah. Waxay ka digtay in si aan sabab lahayn loo kordhiyo khidmadaha ama lacagaha taas oo khasbi kartaa in carruurtu joojiyaan Iskuulada.
Imaanshaha Iskuullada ayaa hoos uga dhacay boqolkiiba 68% halka fasallada dugsiga sare ay hoos u dhaceen ilaa 22%, iyada oo dhaqaale xumo ay tahay sababta ugu weyn ee keenta guuldareysiga in ay sii wadato waxbarashada, sida lagu sheegay tiro koobyo cusub oo ka soo baxay Xafiiska Tira koobka Uganda.
Dugsiyada gaarka loo leeyahay waa laga jecel yahay, kana qaalisan yihiin kuwa dawladda, hadna dawladu ma xiisaynayso faragelinta qiimaha, ayuu yidhi Dennis Mugimba, afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada.
Dejinta khidmadaha dugsiyada gaarka loo leeyahay waa mid ku salaysan ganacsi iyo soo jiidasho” ayuu yidhi.
“Ma ogolaan karno in waxbarashada loola dhaqmo sida suuqa oo kale,” ayuu yidhi Fagil Mandy, oo hore u ahaa kormeeraha dugsiyada. Maamulka waxbarashadu waa in ay habeeyaan xeerarka si ay kharashka dugsiga uga dhigaan mid la saadaalin karo, ayuu yidhi.
Dugsiga Mirembe uu wax ka barto ee ka baxsan caasimadda Kampala, wuxuu sannadkii ka qaadaa lacag u dhiganta $300. Masuuliyiinteedu waxay filayaan 70% khidmadaha in la bixiyo bilawga xilliga, laakiin waalidiin badan ayaa ku guul daraystay inay buuxiyaan heerkaas.