Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland? Waxa Laga Filayo iyo Fursadaha uu Haysto

0
76

Shiikh Cabdulaahi Baashe ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland. Shiikh Cabdulaahi waa shaqsi si weyn loo yaqaanno, kana mid ah culimada caanka ah ee ku xeeldheer culuumta diinta Islaamka. Wuxuu leeyahay khibrad ballaadhan oo ku aaddan dacwada, wacyigelinta bulshada, iyo barashada Qur’aanka Kariimka. Shiikhu waxa uu kasoo jeedaa qoys haldoor diimeed ah, oo si weyn looga qadariyo dalka Somaliland. Dadka Somaliland ayaa rajo weyn ka qaba in uu ka soo dhalaalo xilka cusub ee loo magacaabay.
Maxaa laga Filayaa Wasiir Cabdulaahi Baashe?
1. Kor u Qaadista Heerka Wasaaradda
Shiikh Cabdulaahi waxaa laga filayaa inuu wax ka beddelo sumcadda iyo heerka waxqabad ee Wasaaradda. Tani waxay ku iman kartaa isaga oo dib u habeyn ku sameeya adeegyada Wasaaradda, isla markaana xaqiijiya in baahiyaha bulshada laga jawaabo si hufan oo waxtar leh.
2. Hirgelinta Barnaamijyo Diineed oo Waxtar Leh.
Wasiirka cusub waxaa looga fadhiyaa inuu abuuro barnaamijyo heer qaran ah oo lagu xoojinayo barashada diinta iyo dacwada, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
* Kobcinta barashada Qur’aanka Kariimka iyo Sunnada Nebiga (NNKH).
* Dhiirrigelinta culimada iyo fidinta dacwada islaamka.
* Xoojinta wadajirka bulshada, iyadoo laga shaqeynayo isu soo dhowaanshaha dadka kala duwan.
3. Horumarinta Maamul-Wanaagga iyo Awqaafta.
Waxaa laga filayaa in Wasiirku hormuud ka noqdo ilaalinta iyo horumarinta hantida awqaafta si loo hubiyo in ay u adeegto bulshada, gaar ahaan kuwa danyarta ah.
4. Abuurista Wacyigelin Bulsho oo Ballaadhan.
Shiikh Cabdulaahi waxaa la rajeynayaa inuu hirgeliyo barnaamijyo wacyigelin bulsho ah oo lagu kobcinayo fahamka diinta, nabadda, iyo midnimada, iyadoo laga faa’iidaysanayo goobaha waxbarashada iyo warbaahinta.
5. Xoojinta Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha iyo Warbaahinta.
Xidhiidhka joogtada ah ee bulshada iyo Wasaaraddu waa muhiim. Wasiirka cusub waxaa looga baahan yahay inuu si gaar ah xoogga u saaro sidii Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha iyo Warbaahinta loogu qaaabayn lahaa awood lagaga jawaabi karo cabashooyinka bulshada iyo la wadaagida waxqabadka Wasaaradda.
Hammiga Dadweynaha .
Bulshada Somaliland waxay Wasiirka cusub ka filayaan:
* In uu dhiirrigeliyo aqoonta diineed ee bulshada.
* In uu ilaaliyo wadajirka iyo midnimada culimada dalka.
* In uu hagaajiyo adeegyada Wasaaradda, si ay u noqoto mid shacabka u dhow, waxtarna leh.
Shiikh Cabdulaahi waxa uu haystaa fursad dahabi ah oo uu ku beddeli karo aragtida shacabka ee ah in Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland tahay “GRADE C-.”
Maxaa U Sabab ah Fursadda uu Haysto Wasiirku?.
1. Aqoon-Diineedkiisa iyo Khibraddiisa.
Shiikh Cabdulaahi, oo ah aqoonyahan diineed, waxa uu awood u leeyahay inuu diiradda saaro horumarinta barnaamijyada diinta iyo adeegyada bulshada.
2. Hagaajinta Sumcadda Wasaaradda.
Dadweynuhu waxa ay aaminsan yihiin in Wasaaradda aanay adeegyada muhiimka ah si ku filan uga soo bixin. Wasiirka cusub waxa uu haystaa fursad uu ku hagaajin karo nidaamyada iyo waxqabadka Wasaaradda, si kalsoonida shacabka loo soo celiyo.
3. Diiradd Saarista Adeegyada Bulshada.
Wasiir Cabdulaahi wuxuu heli karaa taageero ballaadhan haddii uu guulo ka keeno dhinacyada:
* Kobcinta barashada Qur’aanka iyo Sunnada.
* Abuurista barnaamijyo wacyigelin bulsho oo wax ku ool ah.
* Hagaajinta maamulka hantida awqaafta.
4. Xoojinta Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha.
Waxa uu fursad u haystaa in Wasaaradda laga dhigo mid bulshada u dhow, iyadoo loo marayo wacyigelin iyo warbixin joogto ah oo ku saabsan waxqabadka Wasaaradda.
Maxaa Looga Baahan Yahay Wasiirka?.
* Dhiirrigelin Degdeg ah oo Waxqabad Leh:
Wasiirka waxaa looga baahan yahay inuu soo bandhigo barnaamijyo wax-ku-ool ah oo bulshada niyadda dhisa, kuwaas oo lagu horumarinayo adeegyada Wasaaradda.
* Abuuridda Isbeddel Muuqda:
Aragtida dadweynaha ee ku aaddan Wasaaradda waxaa beddeli kara horumar muuqda, sida:
o Dib-u-habaynta manhajka macaahida diineed.
o Ka shaqaysiinta qorshaha horumarinta shanta sano ee Wasaaradda.
o Kobcinta wacyigelinta bulshada.
* La Xisaabtanka Shaqaalaha:
Wasiirka waxaa looga baahan yahay inuu sameeyo isku-dubarid hufan oo lala yeesho shaqaalaha iyo hay’adaha kale ee hoos yimaadda Wasaaradda.
Shiikh Cabdulaahi Baashe waxa uu haystaa fursad weyn oo uu ku beddeli karo aragtida dadweynaha ee ku aaddan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland. Haddii uu ku guulaysto inuu si hufan uga faa’iidaysto fursaddan, waxa uu noqon doonaa Wasiirka lagu xasuusto dib-u-dhiska sumcadda iyo waxqabadka Wasaaradda.