Waxaan ku Shaqayn doonaa Fulinta Sharciyadda lagu Hagayo Maamulka Maaliyadeed ee Qaranka.”

0
77

Qore: Cabdiwahaab Daahir Xasan

Hargaysa (Dawan):- Wasiirka cusub ee wasaarada horumarinta maaliyada Jamhuriyada Somaliland Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan iyo wasiiru dawlaha cusub ee wasaaradaasi mudane Mawliid Ismaaciil Cabdilaahi ayaa xilkii kala wareegay madaxdii horre ee wasaaradaasi, xafladda xilwareejinta oo ka qabsoontay Hudheelka baar xaraf ee magaalada Harygays waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Baanka dhexe, xisaabiyaha guud ee qaranka, xildhibaano madax dhaqameed, shaqaale waynaha wasaarada horumarinta maaliyada iyo marti sharaf kale.

Wasiirkii hore ee wasaarada horumarinta maaliyada Mudane Sacad Cali Shire ayaa soo dhaweeyey masuliyinta cusub ee uu madaxwaynuhu u soo magacaabay wasaaradaasi isla markaana ka kawar bixiyey waajibaadka iyo shaqada baaxada leh ee ay wasaarada maaliyadu qaranka Somaliland u hayso.

Wasiir Sacad ayaa masuliyiinta cusub u sheegay in ay la shaqayn doonaan lix qolo kuwaas oo kala ah cashuur bixiyahaya, dad waynaha,dawladda wasiiradeeda iyo wasaadaheeda,baarlamaanka iyo hay’addaha caalamiga ah kuwaas oo dhamaantood wasaaradu sida uu Wasiirkii hore maaliyadu sheegay ay la leedahay wada shqayn joogto ah.

Wasiirka cusub ee dhawaan Madaxwaynaha Somaliland u soo magacaabay isla markaasina xilka la wareegayey ayaa isna madasha xilwaerrjinta ka hadlay waxaanu kawaramay sida ay xilka u gudan doonaan mudada ay xilka hayaan waxaana ka mid ahaa hadaladisii.

“Mudanayaal iyo Marwooyin, iyada oo laraacayo Dastuurka iyo shuruucda dalka Jamhuuriyada Somalland wasaarada maaliyada iyo horumarinta dhaqaaluhu waxay dalka u qaabilsan tahay ugana masuul tahay shaqooyin waawayn oo ay ka mid yihiin, dajinta miisaaniyada qaranka fulinta iyo sharciyada lagu hagayo maamulka maaliyada ee qaranka samynta iyo fulinta siyaasadda maaliyadeed, dhaqaale, cashuureed oo taabbo gal ah, xaqiijinta fursadaha dhaqaalaha si cadaalad iyo sinaan ah loo qaybiyo, ururinta iyo nidaaminta cashuuraha dakhliga ee wadanka, isku dheelitirka dakhliga iyo kharashka dawlada”

Waxa kale oo u intaasi ku daray in isagoo gudanaya waajibaadka loo igmaday in uu xooga saari doono muddada uu xilka hayo samynta nidaam maaliyadeed hufan oo daah furan, waxku ool ah isla markaana ka turjumaya shaqada iyo hawsha baaxada leh ee wasaaradu qaranka Somaliland u hayso