Sunniga Ciraaq oo madaxa la kacay iyo Shiicada oo walaacsan

0
85

 

Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore ee Ciraaq Saleh Mutlaq ayaa ka digay in ay ciraaq u socoto wado khaladan oo musuqmaasuq baahsan, siyaasad xumo iyo mustaqbal la’aan ah. Waxa uu sheegay  in kooxeysigu uu ka dhex-baxay bulshada Ciraaq, balse siyaasiyiinta qaar ay wali raacaan, sidaa darteed siyaasiyiinta waa in ay is beddelaan oo ay yeeshaan wadahadal qaran oo ay ka soo qeybgalaan dhammaan bulshooyinka.

“Dalka waxaa loo wadaa jiho khaldan iyo rubuc qarni ka dib dhicistii xisbigii Bacas ee Sadam, musuqmaasuqa baahsan iyo kala qaybsanaanta xisbiyadana waxay soo afjartay awoodoodii,” ayuu u sheegay VOA  ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore isla markaana ah hoggaamiye caan ah oo Sunni ah. “Ma jiro mustaqbal cad oo jiilka hadda jira”, ayuu raaciyey.

Ka dib markii uu dhacay nidaamka Asad isla markaana ay tallada la wareegeen Taxriir Al-Shaam oo Sunni ah, ayaa qaar ka mid ah madaxda Sunniga Ciraaq waxay soo saareen bayaan wadajir ah oo ay kaga hadlayaan horumarka gobolka iyo xaaladda Suuriya.

Waxa iyaguna ka hadlay arrinta Suuriya iyo isbedelka gobolka  ka hadlay Afhayeenka Baarlamaanka Ciraaq Mahmoud Mashhadani, iyo laba xubnood oo kale Osama al-Najafi iyo Salim al-Jabbari.

“Ciraaq waxay qayb ka tahay dhacdooyinka gobolka, waxaana saaran cadaadis, inkasta oo argagixisadu ay lumiyeen taageerada Ciraaq,” ayuu yidhi Mahmoud Mashhadani. Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore Saleh Mutlaq,waxauu ku baaqay in loo feejignaado meelaha ay ka soo cusboonaadeen argagixisada.” Isaga oo u jeeda Suuriya.

 

Mutlaq waxa uu yidhi “Qoraalkeena waxaan kula talinay mas’uuliyiinta hadda jirta in xaaladdu aanay sidan ku sii socon oo ay tahay inay isbedel sameeyaan ka hor inta aanay dhicin shilalka waaweyn oo dhibaato keena,”.

Hadalka wadajirka ah ee madaxda Carabta Sunniga ah ayaa kusoo beegmaya xilli xaaladda Ciraaq ay cakiran tahay, bulshada Shiicada ah, gaar ahaan xidhiidhka ka dhexeeya dowladda Ciraaq iyo kooxaha malleeshiyaadka ah oo aan wanaagsanayn,siiba Kurdiyiinta iyo Carabta Sunniga ah.

“Waxaan ku baaqaynaa in la qabto wada-tashi heer qaran ah oo loo dhan yahay oo ay ka soo qeybgalaan dhammaan beelaha iyo isimada si loo ogaado dhibaatooyinka dalka ka jira, xana loogu helo” ayuu yidhi afhayeenku.

Hogaamiyayaasha Carabta Sunniga ah ayaa ciidamo badan oo Xashd al-Shaabi iyo ciidan ah soo dhoobay xadka Suuriya, iyaga oo ka cabsi qaba in dhibaatada Suuriya ay ku fido Ciraaq.

Ciidamada Ciraaq ayaa gacanta ku haya inta badan xadka 600 oo KM la wadaaga dalka Suuriya iyaga oo leh darbiyo shub ah, deyrar, godad ballaadhan iyo kuwo qoto dheer iyo kamarado, balse Shiicadu waxay weli ka cabsi qabaan xaaladda Ciraaq.

“Waxaa jirta cabsi siyaasadeed oo dhab ah oo laga qabo inqilaab ka dhaca Ciraaq, qaabka isku dubaridka iyo dowladduna waxay dareemeen hanjabaadahaas,” ayuu yidhi Abdul Rahman al-Jazairi, oo ah hoggaamiyaha sharciga Maliki.

Shiicadu waxay ka baqayaan xaalada siyaasadeed ee Ciraaq iyo in isbedel uu dhaco, halka qaar ka mid ah madaxda Carabta Sunniga ah aanay ku qarinin farxadooda isbedelka ka dhacay Suuriya, halka isbedelada ka dhacay Suuriya ay walaac ka muujiyeen Shiicada Ciraaq.

“Uma maleynayo in Ciraaq ay fowdo ka dhici doonto, balse xaaladda siyaasadeed ee Ciraaq hadda waxay ku dhowdahay inay isbedesho, haddii aanay maanta dhicinna waxay dhici doontaa muddo ka dib,” ayuu yidhi Mutlaq.

“Dalku sidan kuma sii socon doono, xidhiidhka wadan kale ayaa saameyn xun ku yeelan doona” ayuu yidhi.

Inkasta oo qaar ka mid ah ciidamada Shiicada Ciraaq ay Iran kula heshiiyeen inay taageerto nidaamka Suuriya, haddana xoogagga kale ee Shiicada Ciraaq iyo shakhsiyaadka ayaa ka soo horjeeda faragelinta xaaladda Suuriya waxayna taageereen dhexdhexaadnimada Ciraaq ee dagaalka.