Wasiirka Warfaafinta oo Ballan Qaaday Tayaynta Adeegyada Wasaaradda iyo Shaqaalaha

0
115

Qore: Cabdiwahaab Daahir Xasan

Hargaysa (Dawan):- Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo Wacyi gelinta Somaliland Axmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle iyo wasiir ku xigeenkiisa cusub ayaa shalay si rasmi ah xilka uga la wareegay wasiirkii hore iyo ku xigeenkiisii.

Xafladda xilwareejinta wasiirkii iyo wasiir ku xugeenkii hore ee wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland Cali Maxamed Xasan Mareexaan iyo Siciid Habane, isla markaasina ay kala wareegayeen wasiirka iyo wasiir ku xigeenka cusub ee dhawaan loo soo magacaabay wasaaradaasi wasiir Axmed Yaasiin Sh Cali Ayaanle iyo ku xigeenkiisa Askar ayaa ku qabsoontay xarunta wasaaradda,

Wax qabadka mudadii ay joogeen masuuliyiintaasi ayaa lagu soo bandhigay hab muuqaal ah oo dhamaan ka soo qayb galeyaasha iyo masuuliyiinta cusub ee wasaaradda loo soo magacaabayba hab muuqaal ah loo la wadaagay intaa kadib agaasimaha guud ee wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta somalilnd Mustafe Cabdi Ciise Shine oo halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey wax qabadkii badlaadhnaa ee ay ku talaabsadeen mudadii ay halkaasi joogeen wasiirka iyo wasiir ku xigeenka xilka wasaaradaasi baneeyey.

Agaasimaha ayaa sheegay in dhamaan wax qabadka ka hirgalay wasaaradasi uu hurmuud ka haa wasiir cali mareexaan isla markaasina u uku suntanaan doono waxa kale oo uu intaasi ku daray in markii ay yimaadeen wasaaradad aanay haysan wax kamarado ah oo hagasan isla markaasina ay ahaayeen inta taalay qaar duugoobay, balse markiba ay ka howl galeen sidii qaar casri ah loo keeni lahaa ugu dambayna ay ku guulaysteen, kadibna ay ku wareejiyeen agaasimaha talefishanka qaranka.

Geesta kale Mustafe Cabdi Ciise ayaa sheegay in mudadii wasiir cali mareexaan wasaaradaasi gadhwadeenka ay ku soo kordhiyeen Radio Hargaygsa istudiyooo cusub isla markana si casriya loo qalabeeyey, waxa uu intaasi ku daray in ay jiraan mashaariic ay gacanta hada ku kayeen, dhimaha tiyaaatar qaadaya shan boqol ilaa lix boqol oo qof oo dhamaan qalabkii tiyaater casir ah loga baahnaa loo diyaariyey gabagabadiisana wax yar u hadhsan yihiin, hirgalinta idaacad loogu talo galay in ay gaadho dhamaan geeska afrika kaliyana ay u hadhsan yihiin dhinaa laydhka, iyo hirgalinta macahadka barashada saxaafada oo ay hada ka baxday dufcadii u horaysay.

Wasiirkii hore ee wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in xarunta wasaarada ay taal solar taasi oo hab farsamo u xanibnayd wasiirki isaga ka horeeyeyna uu shirkad heshiis kula galay si ay wax uga qabtaan balse markii uu yimid uu dadaal dheer galyey sidii looga shaqaynsiin lahaa balse sideed bilood oo hawshiisu socotay hada in kabadan boqolkii ba sagaashan uu dhamastiran yahay idaacada iyo shidaalka badan ee la isticmaalana lagaga maarmi doono.

Wasiirka cusub ee wasaarada warfaafinta Axmed Sheekh Cali Ayaanle ayaa balan qaaday in uu dhisidoono dhamaan aybaha waraarada iyo iyo shaqaalaheeda isla markaana uu ka dhigi doono inta uu joogo wasaarada warfaafineed oo qaranka ka turjumaysa.

Waxaana ka mid ahaa hadaladiisa. “waxan doonayaa in aan wasaarada ka dhigo mid qaranka ka turjunta, baahisa warlagu kalsoon yahay, la daawan karo, la aamini karo, lana xiisanyn karo, in ay noqoto wasaarad qaranka jihaynaysa haddii lagu soo duulo difaacaysa, haduu qaranku horumar u dhaqaaqo faafisa, waxana ii qorshaysan oo aan maanka ku hayaa in aan dajiyo siyaasadda wasaaradda, oo tayeeyo qalabka ay way wasaaraddu ku shaqayso, waxan ka shaqayn doonaa in aan dhiso aqoonta shaqaalaha wasaarada”

Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta Somaliland waxaa kale oo uu ka hadlay sida loogu baahan yahay in dhaqankeenna suuban ee bulshada in la dhiso oo la kobciyo oo laga shaqeeyo walaalaynta isku haynta iyo wada jirka bulshada,waxaanu wax laga xumaadu ku tilmaamay in qof caytamay uu bulshada dhexdeeda caan ka noqdo oo la soo dhaweeyo oo la kool kooliyo halkii ay ahayd in uu saqiiro qorku marka uu afxumo cid u geysto ee uu caytamo ama cayn u ban boxo.

Waxaanu intaa raaciyay in taasi ay tahay duulaan dhaqanka bulshada lagu soo qaaday oo ay soo kordhiyeen baraha bulshadu loona baahan yahay xakamaynteeda marka xumaan loo adeegsanyo iyo ka hor tageeda.