Wasiirka Wasaaaadda Gaashaan-Dhigga oo Xilka la Wareegay

0
49

Qore Khadar M. Dhako.

Hargeysa(Dawan):-Wasiirka cusub ee Wasaaaada Gaashaandhiga Somaliland Maxamed Yuusuf Cali ayaa shalay si rasmiya xilkii ugula wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaaada Gaashaandhiga Rooble Muuse Cabdi.

Munaasibadda xil wareejinta oo shalay lagu qabtay xarunta Wasaarada gaashaandhiga waxaa ka soo qayb galay Wasiirka cusub ee Wasaaaada Gaashaandhiga Maxamed Yuusuf Cali Wasiirkii hore ee Wasaaaada Gaashaandhiga Rooble Muuse Cabdi, Taliyaha Ciidanka qaranka Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani Abaanduulaha Ciidamada qaranka sarreeye guuto Cabdirisaaq Siciid bulaale Afguduud saraakiil ka tirsan Ciidamada qaranka shaqaalaha Wasaarada iyo marti sharaf kale.

Wasiirka cusub ee Wasaaaada Gaashaandhiga Maxamed Yuusuf Cali oo hadal ka jeediyay xilwareejinta ayaa tilmaamay in ay ka goan tahay in la daryeelo Ciidamada qaranka.Waxaanu yidhi”Xilka Madaxweynaha ii igmaday oo ah In halka ay Maanta joogto aan hore uga qaado Wasaaradda gaashaandhiga,oo ah in la daryeelo Ciidamada qaranka oo loo kordhiyo Mushaharka oo loo dhiso guryo ay leeyihiin.dagaalada ka soo cusboonaaday bariga Somaliland waxa aan ugu baaqayaa dadkaa nabad diidka gogol nabadeed,sidii ku jirtay khudbadii Madaxweynaha haday diidaan waxa dhici doona wixii daraad dhacay oo aanay mahadin doonin,”.

Wasiirkii hore ee Wasaaaada Gaashaandhiga Rooble Muuse Cabdi oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa sheegay in Wasaaraddu ku talaabsatay wax qabad mudadii uu xilka hayay .Waxaanu yidhi”Waxa xusid mudan Wasaarada gaashaandhigu waa muraayadii qaranka waa meesha ugu baratakoolka fiican Wasaaradaha qaranka.waayo waa meeshii ciidanka qaranku ku suntanaa waxaanan ku tallaabsanay waxqabad mudadii aanu joognay,”.