Barnaamijka caafimaadka Wargeyska Dawan waa qormo todobaadle ah, taasi oo aanu bulshada kula wadaagno xaaladaha iyo arrimaha khuseeyay caafimaadka, qormadani waxa aanu ku gorfaynaa maalin ba qodobka aanu is leenahay waa la tabayaa oo bulshada ayuu muhiim u yahay.
Todobaadkan xubinteena koowaad waxa aynu ku sharaxi doonaa khatarta ay daawada Jeermisdiluhu ku keento Caruurta, taasi oo bulshada in teeda badani aanu ku baraarugsanayn ama ay dhayal sadaan ba.
Xubinteena koowaad sidoo kale waxa aynu ku eegi doonaa xanuunada ay Caruurtu ka dhaxlaan isticmaalka daawada Jiirmisdilaha.
Haddaba Cilmibaadhis cusub oo ay samaysay jaamacadda ‘Monash’ ee dalka Ustaraaliya ayaa muujinaysa in carruurta da’ yaraanta lagu siiyo dawooyinka anti-baayootiga (Anti biotics) ay kordhiso khatarta ah in uu ku dhaco xanuunka xiiqdu. Sababtuna ay tahay dawadan oo disha bakteeriyada jidhku u baahan yahay ee ku nool caloosha ilmaha, gaar ahaan sannadka ugu horreeya cimrigiisa.
Daraasaddan oo natiijadeeda ay majaladda ‘Immunity’ faafisay 15 kii Bishan Julaay, xeeldheereyaasha sameeyey waxaa hoggaaminayey Bare-sare Ben Marsland oo culuumta caafimaadka dheefshiidka ka dhiga jaamacadda ‘Monash’.
Marsland waxa uu majaladda ‘Immunity’ u sheegay in isticmaalka badan ee dawooyinka Jeermisdiluhu (antibiotics) xilliga carruurnimada ay disho bakteeriyada samaysa Moliyuulka ‘IPA’ oo lagama maaarmaan u ah iska difaaca xiiqda ee muddada fog.
“Waxa aynnu cilmibaadhistan ku ogaannay in jeermisdiluhu (antibiotics) uu yareeyo xaddiga Moliyuulka ‘API’ oo bilowga muddada u horreysa ee cimriga ilmaha shaqadiisu ay tahay in uu xasaasiyadda iyo nabarrada ka ilaaliyo marinnada neefta, sidaas awgeed lagama maarmaan ah inta aanay qaangaadhin unugyada sambabadeennu” ayaa uu yidhi Prof. Marsland.
Dhinaca kalana cilmibaadhayaashu waxa ay ogaadeen marka ilmaha yaraan lagu siiyo dawada Jeermisdilaha ah (Antibiotics), in marinnada hawadu ay u nuglaadaan in inay ku samaysmaan boogaha xasaasiyadda ee ka dhasha noolaha ilimaqabatayga ah ee boodhka (Dhaska) guryaha ku dhex nool (House dust mites (HDM)), xaaladdaas oo aan ilmaha ka tegin xitaa marka dambe ee heerka Moliyuulka ‘IPA’ calooshiisu ay dib dabiici ugu soo noqdaan.
Xiiqdu waa barar ku dhaca derbiyada marinnada neefta oo sababa in neefsigu uu qofka ku adkaado. Xaaladdan oo ku dhacda carruurta iyo dadka waaweyn labadaba, sababaheeda waxaa ka mid ah hidde-sidayaasha, iyo sababo deegaanka la xidhiidha. Qaab nololeedka oo qofku wax uu ka beddelo, gaar ahaan in uu ka fogaado waxyaabaha dhiirrigeliya xiiqda ayaa ka mid ah xalka ku habboon.
Xiiqda oo ka mid ah xanuunnada dunida aad ugu faafsan, in ka badan 260 milyan oo qof ayaa qaba caalamka, sannad kastana waxaa u dhinta dad lagu qiyaasayo illaa 455 kun oo ruux.