Qore Khadar M .Xaashi
Borama (Dawan) Magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal waxa lagu qabtay bandhiga buugaagta Borama, kaas oo sannadkiiba hal mar la qabto, waxaa sanadkan hal-ku-dhig looga dhigey Ceelalyo.
Guddoomiyaha bandhiga buugaagta Borama Dr. Madar ayaa sheegay in bandhigani uu socon doono muddo laba cisho ah, isla markaana lagu soo bandhigi doono doodo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha, caafimaadka iyo adeegyada bulshada.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ujeedada bandhiga buugagta Borama ay uga dan leeyihiin dhiirigelinta da’yarta hibada u leh qoraalka.
Munaasibada daahfurka bandhiga Borama waxa ka soo qayb galay Khabiiro takhasuus iyo waayo aragnimo u leh qoraalka, siyaasiyiin, dhallinyaro buugag kala duwan ku soo bandhigey madashi bandhiga iyo marti sharaf kale.
Waxaanu yidhi.“Bandhiga buugaga Borama waa madal furan kaas oo lagaga doodo arimaha bulshada, isla markaana lagu dhiirigeliyo da’yarta hal-abuurka qoraalka ah leh, doodo bulshada taabanaya ayaa lagu qabta, halku-dhiga sannadkasta uu doortana waxa qaabeeya kolba xaalada lagu jiro ee dalka iyo dadkuba ku jiraan”
“Sannadkan halku dhiga bandhiga buuga ee Borama waxa hal ku dhig looga dhigey Ceelalyo, waxa ku jira bandhiga doodo ku saabsan sidii dhaqaalaha kor loogu qaadilahaa, caafimaadka loo hagaajinlahaa, sidii Mandaqada Geesku nabadgelyo ugu wada noolahaayeen,”