Khaddar Cabdi Muuse
Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Somaliland Yoonis Axmed Yoonis, ayaa soo xidhay tababar ku saabsan xuquuqda oo ay soo qaban qaabisay waasaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshadda oo kaashanaysa haayadda Save the Children. Kaasoo ka qabsoomay magaaladda hargaysa.
Tababarkani ayaa ku saabsanaa sidii loo dhaqan gelin lahaa xeerka xuquuqda carruurta, ayaa loo qabtay xubno ka kala socday ciidamadda booliska, xafiiska xeer ilaalinta qaranka, guddiga ilaalinta xuquuqda caruurta, iyo xubno kale.
Tababarkaasi oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa xidhitaankiisii ka soo qayb galay wasiirka Cadaaladda Somaliland, agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha qoyska, iyo madax ka socotay haayadda Save the Children.
U jeedadda tababarkani ayaa ahayd in lagu tababaro haayadaha garsoorka dalka, qarreenada, bahda cadaaladda, iyo booliska sharciga loo yaqaano xeerka xuquuqda caruurta, kaasoo danta laga leeyahay ay tahay in la ilaaliyo xuquuqda caruurta.
Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Somaliland Yoonis Axmed Yoonis, oo tababarkaasi soo xidhay ayaa sheegay in xeerka xuquuqda caruurtu uu ahmiyad weyn u leeyahay wasaaaradda cadaaladda iyo sidoo kale qarankaba.
Waxaanu tilnaamay wasiirku in caruurtu ay yihiin iftiinkii iyo mustaqbalkii bulshadeena iyo wadankeenaba, isla markaana ay muhiimad gaar ainoo leedahay in xuquuqdoodda la ilaaliyo.
Waxaanu yidhi “Xeerka xuquuqda caruurtu ahmiyad weyn ayuu wasaaaradda u leeyahay, ahmiyad weyn ayuu qaranka u leeyahay, waxa kaloo uu ahmiyad weyn u leeyahay nolosha caruurteena. Caruurteenu waa iftiinkii iyo aayihii qarankeena weeyi”.
“Wasaarad ahaan waxaa naga go’an in aanu soo dhawayno dhamaanba daneeyeyaasha xuquuqda caruurta, oo aanu la shaqayno wasaarad ahaan. Waxaanu doonaynaa in uu xeerkaasi dahqan galo, oo aanu noqon xeer yaala uun miisaska xafiisyadda. Waana inuu noqdo xeer dhaqan gal ah, oo wixii uu sheegayba la fuliyo, isla markaana sidii loo wada fulinayay laga wada shaqeeyo” ayuu yidhi wasiirka cadaaladda Somaliland.
Agaasimaha guud ee wasaaradda qoyska iyo shaqo gelinta Somaliland oo isna xidhitaankii kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay sameeyeen xeerka xuquuqda caruurta, iyagoo kaashanaya haayadda caalamiga ah ee Save the Children.
“Anagoo kaashanayna haayadda Save the Children ayaanu xeerkani xuquuqda caruurta dhamaystirnay. Hadana waxaa la abuuray guddigii ilaalinta xuquuq. Sidoo kalena loo sameeyay waajibaadkoodii ay ku shaqayn lahaayeen”.
Geesta kale waxaa iyagna halkaa ka hadlay xubno ka socday saraakiisha ciidanka booliska iyo xubnaha kale ee tababar qaatay, kuwaasoo dhamaantoodba soo dhaweeyay in la baro xeerka xuquuqda caruurta ee la diyaariyay.