Qore: Cabdiwahaab Daahir Xasan
Hargaysa (Dawa):- Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Marwo Milgo Maxamed Cilmi Sanbalooshe ayaa furtay Kulan lagaga hadlayo Carruurta aan haysan daryeelka waalidnimo, waxa ay sheegtay in hawsha daryeelka caruurtu ay tahay arrin qaran isla markaana laga hawl galo sidii dayaca looga ilaalin lahaa ilmaha yar yar ee aan haysan daryeel waalid, kuwa bannaanka la dhigay iyo kuwa inta cid loo dhiibay laysaga tagay.
waxa kale oo ay intaa ku dartay in ka wasaarad ahaan xilwayni ka saaran yahay in ay hubiyaan cida ilamaha loodhiibayo iyo sidoo kale marka xarumaha lagu koriyo lagaynayo sidii wasaaradu u korjoogtayn lahayd ay tahay masuuliyadeedu mid diiniyan ah kaliyana aanay ahayn in laga shaqeeyo sidii loo korinlahaa balse waajib ka saaran yahay sidii ilmaha yar yar looga dhisi lahaa aqoonta diiniga iyo mida maadiga ah si loo helo ama uu u soo baxo ilmo dhan walba ka dhisan isla markaana naftiisa iyo taqarankaba anfaca.
Wasiir Milgo Sanbaloolshe ayaa hoosta ka xariiqday isla markaasina ku boorisay in cidkasta oo ay masuuliyada daryeelka caruurta aan helin daryeel waalidnimo aanay ka raadin magac balse ay u gutaan hawshaas si ay ku jirto alle ka cabsi, qofka ilmaha karinayana uu maanka ku hayo in kan uu dhalay iyo Kan uu korinayoba ay iskugu mid noqdaan korniinka iyo daryeelkoodu.
Waxa kale oo ay intaasi ku dartay qofkasta oo loo dhiibo ilmo isla markaasina korinayana in ay muhiim tahay ilmaha in uu u sheego in aanu ahayn waalidkii dhalay balse uu korinaya uun sidoo kalena uu u koriyo sidii uu waalidkii uu yahay.
Geesta kale Agaasimaha guud ee wasaarada Shaqada Arimaha bulshada iyo qoyska ayaa isna dhankiisa sheegay in wasaarada ay u diwaan gashan yihiin isla markaana diwaanka ay ugu jiraan inkabadan labakun iyo Shan Boqol ilaa Saddex kun oo caruur ahi taasi oo lagu hayo xogta caruurta aan helin daryeel waalidnimo ee wasaarada u diwaan gashan, waxa kale oo uu intaasi agaasimuhu ku daray in ay wasaarada Arimaha Gudaha iyo dawladaha hoose waraaq u qoreen taasi oo ay kaga dalbanayeen sidii kaadhka dhalashada loosiin lahaa isla markaana bilaa lacag ah caruurtaasi, haatana ay qorshaynayaan sidii ay u diwaan galinlahaayeen inta caruur ah ee la nool qoysas ama ay gacanta ku hayaan ee ah caruurta aan daryeelka waalidnimo helin