Xukuumadda Somaliland oo Joojisay Dhismeyaasha iyo Wax-ka-badelka Dhulkii dawladda ee La Bixiyay Mudadii Kala-guurka

0
35

Qore: Khadar M.Xaashi

Hargaysa (Dawan):- Xukuumadda Somaliland ayaa wareegto ku joojisay dhammaan dhulkii, dhismayaashii iyo wax-ka-badelkii hantida dawladda ee la bixiyay ama la hibeeyay muddadii kala guurka labada xukuumadood.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Xuseen Axmed Caydiid ayaa soo saarey wareegto lagu joojiyenayo Dhismayaasha, Dhulka iyo wax-ka-bedelka Hantida Dawladda ee la bixiyey ama la hibeeyey muddadii kala-guurka labadda Xukuumadood.

Amarkan ayaa waxa lagu socod-siiyey Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Taliyaha Booliska, Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka, Badhasaabadda Goboladda Dalka, Maayaradda Magaalooyinka iyo Masuuliyiinta kale ee ay khuseyso.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta, Xuseen Axmed Caydiid ayaa ku amray guud ahaanba  Hay’adaha sharci-fulinta iney talaabo sharciga waafaqsan ka qaadan cid kasta oo ku xad-gudubta Wareegtan, si loo ilaaliyo sharciga dalka.

Wareegtada uu soo saaray wasiirka Hawlaha guud dhulka iyo Guryaynta Somaliland Mudana Xuseen Axmed Caydiid ayaa qodobada ugu muhiimsanaa waxa ay ahaayeen sidan afartan qodob ee soo socda:-

  1. In laga bilaabo taariikhda maanta ay wasaaradu joojisay in la dhiso dhulka banana iyo guryaha dawaladda ee wareegtadu tilmaantay ee la hibeeyay ama la iibiyay mudadii kala guurka.
  2. Waxa kale oo la joojiyay in la baneeyo ama la dhiso dhul beereedkii la qorsheeyay wakhtigii kala guurka.
  3. Sidoo kale waxaan si xushmad leh uga codsanaynaa Maxkamadaha dalka iyo guddida dawcadaha dhulka ee gobolada in aanay sifo sharci loo isticmaalin Documentiyada ka hadlaya dhulka iyo Guryaha ee la sameeyay mudadii kala guurka, ilaa inta ay xukuumadu ka soo saarayso go,aamo rasmi ah.
  4. Waxa la farayaa Hay’adaha sharci fulinta in ay talaabo sharcioga waafaqsan ka qaadaan cid kasta oo wareegtadan ku xad gudubta.