Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UN Security Council) waxaa la asaasay sanadkii 1945, waxaana loo sameeyay sida ay sheegeen inuu ilaaliyoย nabadda caalamka, xalinta khilaafka iyo dagaaladaa, si aanay usii fidin, xuquuqda insaanka iwm.
Golahani waxa uu ka kooban yahay 15 dal oo caalamka ah, laakiin 5 dal oo ka mid ah ayaa xubno joogto ah oo aan la bedelin halka 10-ka dal kale ay yihin xubno laga soo doorto qaaradaha caalamka, iyadooย labadii sanadoodba mar la bedelo.
Xubnaha joogtada ah oo kala Maraykanka, Ruushka, Ingriiska, Faransiiska iyo Shiinaha, waxa ay leeyihiin awood dheeraad oo ayย ku horjoogsan karaan dhamaan hawasha uu isku raaceen xubnaha kale ee golaha Amaanka oo ka kooban caalamka intiisa kale oo dhan. Hal dal oo shantan ka mid ah ayaa diidaya oo is hortaagaya dhamaan caalamka intiisa kale waxa ay isku raaceen. Sidaaย awgeeda awoodda Veto power waa mid lagu dulmiyo dhamaan dalalka caalamka ee markaa arintiiisa laga hadlayo.
Tusaale ahaan marinka Qasa ee Falastiin markii Golaha Amaanku waxa soo jeediyay in xabad joojin laga hirgeliyo dhowr kulan oo kla duwan, laakiin waxa ka hor yimi dalka Marayakanka oo diiday in la hirgeliyo isagoo isticmaalay awoodda Veto power.ย Waxaana golaha amaanka hadda soo shaac baxay wejigiisa dhabta ah ee ah in dalalka samaystay ee Maraykanku u horeeyo ay wixii ay raali ka yihiin keliya uu fuliyo.
Haddaba maxaa keenaya in dal keliya uu isagu ka hor yimaaddo goโaan ay gaadheen caalamka intiisa kale oo dhan iyadoo weliba lagu ixtiraamayo oo sida uu isagu rabo loo qaadanayo mar hadduu awoodda Diidmada caddaanka ah โVeto powerโ isticmaalay?ย Arrinkaasi waxa u fudaydinaya waa iyadoo ay noqdeen dalalka hogaamiyaha dhinaca awooda ciidan iyo midda dhaqaale ee caalamka. Sidaas awgeed ma jirto caalamka cadaalad iyo xuquuqo la isa siiyo qofka liita, laakiin kolba waa sida aad adigu awood ciidan u leedahay, sidaa aad caalamka qadarinta iyo sharafta kaga helaysaa. Xikmadduna waa in aad tahay mid lagu xisaabtamayo oo wax kaga bedeli kara caalamka dhinaca awoodda ciidan.