Botswana oo bixinaysa 400 oo Liisan oo ugaadhsiga maroodiga ah

0
21

Botswana ayaa bixisay 400 oo shatiyo ama Liisan oo ugaadhsiga maroodi ah iyada oo ay jirto mucaaradad hor leh oo uga imanaysa kooxaha  ilaalinta. Ugaadhsadayaasha caalamiga ah ayaa bixinaya ilaa $50,000 si ay u helaan shatiga si ay u ugaadhsadaan maroodiga.

Ogeysiis dhawaan ka soo baxay waaxda duurjoogta iyo seeraha qaranka, ayaa maroodiga lagu daray noocyada kale ee duurjoogta ah ogolaansho loo siin doono ugaadhsatada.

Xilliga ugaadhsiga Botswana waxa uu socdaa bilaha Abriil ilaa Noofambar, isaga oo soo jiita dadka xiiseeya ugaadhsiga.

Si kastaba ha ahaatee, koox ka mid ah ilaalinta deegaanka iyo kuwa caalamiga ah ayaa codsi u diray dowladda cusub ee Botswana, taas oo xukunka la wareegtay 30-kii Oktoobar kadib doorashadii guud, si ay u joojiso dhaqanka ugaadhsiga.

Oaitse Nawa oo ka tirsan Ururka Ilaalinta Maroodiga ee aan faa’iido doonka ahayn ayaa qayb ka ah kuwa ka codsanaya dawladda inay joojiso ugaadhsiga ugaadha weyn. Waxa uu sheegay in ururku uu la yaabay in dowladdu ay fasaxday qoondada ugaadhsiga ee xilli ciyaareedka cusub.

“Waxaan sameynay baaq codsi ah – fikradda waxay ahayd inaan weydiisano dowladda inay waqti qaadato, si loo joojiyo qaybta maroodiga in muddo ah sababta oo ah ma jirin la tashi ku filan oo ku saabsan dhammaan dadka ay khuseyso,” Nawa ayaa yidhi. “In ay  soo baxdo qaybta Madoodiga, waxay nagu ahayd yaab.”

Dawladdu waxay qabatay shir wadatashi ah bilawgii Disembar si go’aan looga gaadho tirada xoolaha la dhigayo ugaadhsiga ama xabada.

Nawa ayaa sheegay in kooxdu ay doonaysay in dowladda cusub ay soo farageliso oo ay joojiso ugaadhsiga.

“Waa walaac aad u weyn marka la eego xaqiiqda ah in ugaadhsigu aanu faa’iido u lahayn bulshada,” ayuu yidhi. “Wax kasta oo la xidhiidha ugaadhsiga waa in dib loo eego. Xusuusnow, weli waanu la tacaalaynaa taliskii hore, lamana yaabin markaan aragno iyaga oo soo saaraya tiradaas.”

Dawladdu waxay sheegtay in ku dhawaad ​​3 milyan oo doolar ay soo ururiyeen bulshooyinku xilligii ugaadhsiga ee hore, gaar ahaan iibinta shatiga Maroodiga.

Ilaaliyeyaasha ka soo horjeeda ugaadhsiga ayaa ku doodaya in beegdiga Labka maroodiga ay khalkhal galiyaan habka taranta Maroodiga.

Laakiin Khabiir ku takhasusay cilmiga bayoolajiga ee maaraynta duurjoogta Dr. Erik Verreynne ayaa sheegay in ugaarsigu aanu dhibin doonin tirada maroodiga ee Botswana. Botswana waxay leedahay tirada ugu badan adduunka ee maroodiga waxay leedahay 130,000 kun oo Neef.

Khubarada ayaa rumaysan in ugaadhsiga lagu dili karo ilaa 400 oo Maroodi taasina aay saamayn weyn ku yeelan doonin tirada Maroodiga 130.000 kun.

Ugaadhsiga shatigiisa oo la bixiyo waxa ugu danbaysay sanadka 2019 ka muddo shan sano ah oo la hakiyay.

Dalka Botswana waxa kale oo ay leedahay mid ka mid ah shilalka ugu badan ee ku iska horimaadyada duur-joogta iyo dadka, iyada oo xayawaanku ay u soo dhawaadeen deegaannada ay dadku deggan yihiin si ay biyo iyo baad u raadsadaan.