Dawladda Hoose ee Hargaysa oo Agab Dhamaystiran Ku Wareejisay Ciidanka Nabadgelyadda Waddooyinka

0
27

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa (Dawan) Dawladda hoose ee Hargaysa ayaa  shalay agab dhamaytiran ku wareejisay ciidanka nabadgelyadda wadooyinka, kaas oo ka caawinaya kala hagista gaadiidka iyo abagka ay ku labistaan ee muujinayay ilaalinta nabadgelyadda jidadka.

Ciidanka nabad gelyada  waddooyinka Somaliland ayaa kaalin muhiim ah ugu jira bulshada, waxaanay jidadka dhaafiyaan dadka nugul iyo Caruurta Dugsiyada ka soo rawaxa, sidoo kale waxa ay ka shaqeeyaan shilalka iyo gurmadkooda oo ay la xisaabtamaan cida khaladka lahad.

Ciidankan Ayaan hadh iyo Habeen u taagan jidadka Hargaysa sidii ay u kala hadi lahaayeen gaadiidka iyo sugida amniga wadooyinka, waxaanay adkaysi u leeyihiin falaadhaha Cadceeda kulul iyo Qabowga darran ee xiliga soo dhaca, bulshadu ay Guryahooda ka galaan.

Haddaba Agaasime ku xigeenada Waaxaha Hawlaha guud iyo nabadgalyada Dawladda hoose ee Hargaysa, oo ay wada shaqayn dhaw ka dhaxayso Ciidanka ilaalada Waddooyinka ayaa saaka(shalay) ku wareejiyay agab dhamaystiran oo u sahlaya shaqada kala hagista baabuurta ee ay sida joogtada ah uga wadaan gudaha Caasimadda Hargaysa.

 

Dawladda Hoose ee caasimadda Hargaysa ayaa si dhaw uga warhaysa ciidanka nabadgalyada waddooyinka Hargaysa madaamo ay hayaan shaqo muhiim u ah caasimadda Hargaysa, waxaana ay inta badan ka caawinaa wax kasta oo u fududaynaya shaqada ay qaranka u hayaan.

 

Gebo’gabadii dawladda hoose ee Hargaysa ayaa si dhaw uga war haysa xaaladda ay ku sugan yihiin ciidanka ilaalada waddooyinka Hargaysa, kaasi oo ay si dhaw u wada shaqeeyaan, waxaanay ugu talogaleen agabkani inay wax ka taraan shaqo maalmeedka ciidanka ilaalada waddoyinka Hargaysa.