Qore: Cabdiwahaab Daahir Xasan
Hargaysa (Dawan):- Guddoomiyaha gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdilaahi ayaa kulan ballaadhan la qaatay isuduweyaasha kala duwan ee laamaha dawladda ee ka hawl gala gobolka saaxil, kulankaas ayaa daaranaa sidii loo dardar gelinlahaa loona siiwadi lahaa shaqada kala duwan ee ka socota hay’adda dawladda iyo sidoo kale sidii loo dabaqi lahaa amarkii dhawaan ka soo baxay Hay’adda shaqaalaha Dawladda kaas oo ahaa in shaqaalaha dawladdu ay shaqeeyaan Siddeed Saacadood oo xidhiidh ah.
Shirkan ayaa ka qabsoomay Xafiiska badhasaab gobolka saaxil isla markaana goob-joog uu ka ahaa badhasaab ku xigeenka gobolka saaxil Maxamuud Hindi Aadan sidoo kalena ay ka soo qayb galeen badiba isuduwayaasha laamaha kala duwan ee dawlada ee ka hawl-gala gobolka saaxil.
Shirkaas oo uu hoggaaminayey gudoomiyaha gobolka saaxil ayaa intii uu socday lagaga hadlay sidii loo adkaynlahaa wakhtiga shaqada isla markaana lagu korjoogtayn lahaa shaqaalaha si loo fuliyo Amarkii ka soo baxay Haayada shaqaalaha.
Guddoomiye Cali Case oo warbixin ku saabsan wax qabadkii sanadkan sii dhamaanaya iyo wixii laamaha hayadaha kala duwan ee gobolka saaxil u qabsoomay sidoo kalena amray in isuduwayaasha aan warixin waxqabadeedka sanadeedka aan soo gudbina in ay soo gubiyaan warbixintooda inta aan sanadku dhamaan.
Geesta kale Guddoomiyaha ayaa faray isuduweyaasha in amarka ka soo baxay dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo sidoo kale warqada ay soo saartay hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ee sheegaya in shaqaalaha dawladdu ay shaqeeyaan siddeed saacadood oo xidhiidh ah sideeda loo dhaqan geliyo shaqaaluhuna ay shaqada soo galaan Todobada subaxnimo ilaa saddexda galabnimo.
Waxa kale oo uu intaasi ku daray in ay ka maamul ahaan samayn doonaan kormeer joogto ah sidoo kalena faray Isuduwaha haayada shaqaalaha dawlada u jooga gobolka saaxil in uu hawsha dabagalka koowaad ee shaqaalaha lagu kormeerayo isagu leeyahay.
Waxa kale oo uu xusay in gobolka saaxil aanu la duruuf ahayn gobolada kale ee dalka maadaama uu yahay dhulxeebeed isla markaana wakhtiyada qaar ay adagtahay in shaaqaluhu wada dhamaysan karaan sideeda saacadood ee ay amartay haayada shaqaaluhu in la shaqeeyo gaar ahaan wakhtiyada kulaylaha, waxa kale oo uu intaasi ku daray in uu arintaasi ka hawlgali doono kalana hadli doono masuuliyiinta ay khusayso.