Qore: Boqore Axmed Cabdi
Boorama (Dawan) Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Amb Maxamed Cali Aw-cabdi ayaa Boorama kaga qayb galay aas Qaran oo lagusagootiyay ALLE ha u naxariistee Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo ka mid ahaa bahda dhaqanka Somaliland kuwooda uga da’da wayn, isla markaasina ahaa oday nabadeed ka soo shaqeeyay dib-u-dhiskii dalka iyo nabnadayntii Beelaha Somaliland.
Aaskan Qaran ee lagu sagootiyay ALLE ha u naxariistee Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil waxa ka qayb galay xubno ka mid ah golaha wasiirada Somaliland, madaxda dhaqanka badankooda, Xildhibaanada labada gole, maamulka gobolka Awdal iyo ka Degmada Boorama, madax dhaqmeed ka yimi dalalka jaarka sida Itoobiya iyo guud ahaan shucuubta Somaliland badankooda.
Maydka Suldaanka oo laga soo qaaday Hoygiisii hore ayaa loo gabiyay Hoygiisii dhabta ahaa waxaana lagu aasay Xabaalaha Gorayacowl ee Bariga magaalada Borama, halkaas oo kumanaan qof kaga tukadeen Salaaddii Jinaasada ILLAAHAYNA ergo uga noqdeen.
Markii la aasay Marxuumka ayaa waxa isla Xabaalaha lagu caleema saaray wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Suldaan Maxamed Suldaan Saleebaan oo sidaas kula wareegay sandaladii uu Aabihii ka ariminayay muddo ku siman 60 sanno.
Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Amb Maxamed Cali Aw-cabdi ayaa ka waramay taariikhda Marxuum Suldaan Saleebaan waxaanu ku sifeeyay Adoon ILLAAHAY oo samatalis ah, kuna suntanaa nabadaynta bulshada, kaalin wayna ugu jiray Qaranka, waxaanu ILLAAHAY uga baryay inuu danbigiisa dhaafo Jannooyinkiisana ku arsaaqo.
Waxaa kale oo ka qayb galay aaska qaran ee lagu sagootiyay ALLE ha u naxariistee Suldaaan Saleebaan Madaxweyne ku xigeenkii hore Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil oo arxuumka ku sifeeyay suldaan qaran oo nabad talis ah oo ka baxay Somaliland
Geesta kale waxa madasha aaska ka hadlay xubno ka mid ah golaha wasiirada Somaliland kuwaasi oo ay ka mid yihiin wasiirka amniga gudaha, Warfaafinta, arrimaha dibada, kheyraadka Biyaha iyo xubno kale kuwaaso oo marxuumka ku tilmaamay oday Guurti ahah oo muddo badan ka talinayay nabadgelyadda iyo isku soo jiidista bulshada, waxaanay qireen inuu Marxuumku ahaa Suldaan Guurti nabadoon ah kaas oo ka mid ahaa Guurtidii salka u dhigtay nabada Somaliland, waxaanay dhamaantood ILLAAHAY uga baryeen inuu Qoyskiisa iyo Qaranka uu ka baxay sabir iyo Iimaan ka siiyo, marxuumkana Janatul Fardawsa ka waraabiyo.
Sidoo kale Xildhibaano, Cuqaal, Salaadiin iyo Waayeel kale ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumka dhamaan bulshada Somaliland iyo Qoyskii uu ka baxay, waxaanay ILLAAHAY uga baryeen inuu Jannyinkiisa ku arsaaqo.
Marxuum Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil ayaa ku geeriyooday magaalada Boorama shalay galinkii danbe, waxaanu suldaan ahaa in ku dhaw 60 sanno, waxaanu hadda ku dhinta da’da 100-ka
Innaa-lillaahi-wa-inaa-illayhi-raajicuun