Qore: Cabdiwahaab Daahir Xasan
Hargaysa (Dawan) Wasiirka Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland Xuseen bashiir Xirsi iyo masuuliin kale ayaa booqday dhaawacyada dadkii ciidamada liyuu booliska ee dawlad deegaanka Soomalida Itoobiya ay ku laayeen deegaanka Dacawalay isla markaana la keenay cisbitaalka guud ee Hargaysa, iwaxaanu kormeeray dhaawacyada lasoo gaadhsiiyey cisbitaalka.
Masuuliyiinta wasaarada caafimaadka ayaa kormeer kooda kadib waxa halkaas ka hadlay wasiirka wasaaada caafimaadka digtoor Xuseen bashiir Xirsi ayaa la hadlay warbahinta dawladda waxaanu yidhi.“waxanu soo booqanay dhawacii laga keeney gobolka hawd, waxaan ALLE uga baryayaa inuu caafiyo, waxa kale oo aan leeyahay uguna baaqayaa dadka walaalaha in xabbada lajoojiyo, labada dhanba wiixii dhintay waan u tacasiyadaynayaa inta dhaawaca ahna waxaan leeyahay ilaahay ha caafiyo”
Geesta kale wasiirku waxa uu sheegay in dadka deegaanka Soomaalida Itoobiya kuwada dhaqani in ay yihiin dad walaalo ah isla markaana wada dhashay, khasaaraha ka yimaadda dagaalkuna uu labada dhanba wada saamaynayo, waxaanu wasiirku ku baaqay in dagaalka si deg deg ah loo joojiyo.
Waxa kale oo uu ka warbixiyey dhaawaca lakeenay cisbitaalka guud ee Hargaysa isagoo sheeagay in dhaawac badan lasoo gaadhsiiyey cIsbitaalka isla markaana socodkoodu uu daarranaa sidii ay indhahooda ugu soo arki lahaayeen xaaladaha dhaawacyada dagaalka ka dhacay dacawalay ku soo waxyeeloobay.
Gabagabadii waxa uu wasiirka caafimaadku sheegay in ay kawasaarad ahaan doorkooda ka qaadan doonaan wax kasta oo ay ku qaadatana ay diyaar u yihiin isla markaana habeen iyo maalin ba aanay seexanayn sidii ay u garab istaagi lahaayeen gaadiidka iyo daawoyinka sidoo kalena ay ka hawlgalayaan labada cisbitaal ee dhaawaca ugu badan lakeenay ee Balligubadle iyo ka Hargaysa.