Wasaaradda Caafimaadka oo Hay’adda Caafimaadka kala wareegtay Agab Caafimaad

0
102

Xubinta koowaad ee barnaamijka caafimaadka Wargeyska Dawan waxa aynu ku soo qaadanaynaa wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo agab caafimaad kala wareegtay Hay’adda caafimaadka adduunka ee (WHO).

Agabkan ayaa ah mid ay xarumaha caafimaadka dawladu kula tacaali doonaa xaaladaha deg dega ah iyo xaaladaha kale ee caafimaad ee ay ka shaqeeyaan.

Haddab Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr.Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa Hay’adda Caafimaadka aduunka (WHO) kala wareegay, agab Caafimaad oo loogu talo galay xaaladdaha degdega.

Munaasibadd kooban oo ka qabsoontay xarunta kaydka daawooyinka qaranka ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa waxaa goobjoog ahaa, wasiirku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Marwo Samsam Maxamed Saalax, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye, madaxa xafiiska WHO ee Hargaysa, Agaasimaha waaxda cusbitaalada ee Wasaaradda iyo madaxa kaydka daawooyinka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Agaasimaha guud iyo madaxa xafiiska WHO ee Hargaysa oo madasha agabkan Caafimaadka lagula kala wareegayay hadalo kala duwan ka jeediyay ayaa xusay in agabkan ka mid yahay, taageerada ay marwalba hay,adda WHO Wasaaradda soo gaadhsiiso, iyagoo hoosta ka xariiqay in ay qayb-weyn ka qaadan doonaan dadaalada lagu xakamaynayo xaaladaha Caafimaad ee degdega ah, ee ay la tacaalaan xarumaha Caafimaadka ee dalku.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr.Xuseen Bashiir Xirsi, oo agabkan si rasmi ah ugala wareegay, hay,adda WHO, ayaa u mahadceliyay Masuuliyiinta WHO, isagoo sheegay in ay gaadhi doonaan xarumihii Caafimaad ee loogu talo galay, Wasaaradduna marwalba diyaar u tahay sidii loosii xoojin lahaa wada shaqaynta dhaw ee ka dhaxaysa Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo hay,adda WHO.