Qore Boqore Axmed Cabdi
Hargaysa (Dawan):- Kadib dhacdadii foosha xumayd ee ka dhacday Magaalada Dacawalay isla markaana Ciidanka liyuu booliska dawlad deegaanka soomalidu ay ku laayeen dad shacab ah oo halkaas dagaanaa waxa safar dhinaca dhulka ah ku tagay Magaalada Jigjiga wafti iskugu jira wasiiro iyo taliyayaal ciidan kaasi uu u jeedka safarkoodo daarnaa sidii dawlada itoobiya ay uga wada hadli lahaayeen dhacdadaa foosha xun ee ay ku kaceen ciidanka Liyuu boolisku.
Waxa wefti uu Hogaaaminayey Wasiirka Amniga Gudaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa Magalada Jigjiga ee Degaanka Maamulka Soomalida Itoobiya kulan muhiim ah kula qaatay Saraakiil Sar sare oo ka tirsan Ciidanka Dawladda Federaalka Itoobiya, uu Hogaaaminayey Taliyaha Aaga Bari ee Ciidamada Itoobiya General Afgado iyo Madax kale oo ka tirsan Dawladda Degaanka uu u horreeeyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada iyo masuulin kale oo muhiim ah.
Labada dhinac ayaa si qotodheer uga wada hadlay Xaaladda Degaanka Dacawalay iyo Degaanada kale ee ku xeeran, waxaana isfaham buuxa labada dhinac ka gaadheen Xaalada Degaanka Dacawalay,iyadoo la isla qaatay in la joojiyo dhiiga daadanaya, xaaladdana lagu dhameeyo xal Nabadgalyo ah oo salmi ah si aan wax danbe u dhiciin.
Weftiga Somaliland uu Hogaaaminayey Wasiirka Amniga Gudaha, waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada , Mudane Khadar Xuseen Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Maxamed Yuusuf Cali, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismail Taani, Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadh-dabagale iyo Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka.