Qore Cabdiwahaab Daahir Xasan
Hargaysa (Dawan) Wasiirka Wasaarada Duulista hawada iyo horumarinta Madaarada somaliland Fu,aad Axmed Nuux ayaa tababar ku saabsan kobcinta, dajinta iyo hogaaminta qorshaha u furay agaasimayaasha waaxyaha wasaarada duulista iyo hawada iyo Maamulayaasha madaarada dalka.
Tababarkan oo ay bixinaysay shirkad lagu magacaabo Sooma solution center oo fadhigeediyaha dalka maraykanka ayaa waxa halkaasi ka hadlay wasiirka wasaaradaasi
Wasiir Fu,aad oo tabarakan si rasmi ah u daahfuray waxa uu ka warbixiyey ujeeda Tababarkan, waxana uu sheegay in u jeedadiisu yahay qorshaha, horumarinta wasaarada duulista ee lagu hogaamin doono mustaqbalka dhaw, sidii howl-maalmeedka shaqada looga dhigilahaa mid u adeegaya u jeedooyinka ay wasaarud leedahay iyo sidii loo qiimayn lahaa waxqabadka iyo dadaalada shaqada kala duwan ee ka socda heerarka kala duwan ee wasaarada kaasi oo kala ah dhinacyada heer waaxeed, madaar iyo qaybaha kala duwan ee wasaaradu ka kooban tahay.
Waxa kale oo uu wasiirku intaasi ku daray in masuuliyiinta tabarka qaadanaya inta uu socdo ay qaadan doonaan sidii qorshayaasha loogu dari lahaa ama loo xoojinlahaa shaqada ka socota madaarada ay u noqon lahayd mid soo jiidata dalxiisayaasha, ganacsatada, dadka qurbaha ka imanaya sidoo kalena loo helilahaa wax yaabaha ka soo noqonaya dadka ay madaarada Somaliland u adeegayaan, isla markaana caqabadaha dadka ka soo noqda loo sixilahaa wixii adeed fiican ah ee madaaradu qabtaana loo sii horumarinlahaa.
Geesta kale waxa isna halkaasi ka hadlay Cabdishakuur Saleebaan oo ka mid ahaa macalimiinta tabarka bixinaya sidoo kalena ka socday shirkada sooma solution center ayaa sheegay in mudada uu socdo tababarkan ay ka soo qaybgalaashu ku qaadan doonaan sidii korloogu qaadi lahaa xirfadaha hogaamineed layskulana wadaagi lahaa fikrado kala duwan iyo hal-abuuro ka shaqeeyey dunida inteeda kale xarumaha duulista hawada Somaliland na kor loogu qaadi lahaa.
Waxa kale oo intaasi ku daray in tababarkani gundhig u noqon doono sidii madaarada Somaliland ula tartami lahaayeen madaarada kale ee wadamada geeska Afrika ku yaal oo ay ugu horeeyaan kuwa ku yaal Kenya iyo Ethiopia isla markaana sida uu sheegay macalinka tabarakan bixinayey madaaradaasi ay yihiin kuwa haatan ugu horeeya dhinaca adeega duulimaadyada.
Gabagabadii Cadishakuur ayaa balan qaaday in ay ka shirkad ahaan ku koobnaan doonin sidii ay shaqaalaha iyo masuuliyiinta wasaarada tababaro u siin lahaayeene balse ay ka shaqayn doonaan sidii ay wasaarada duulista iyo hawada ka caawin doonaan qalabka ay madaaradu adeegsadaan, si ay madaaradu adeega ay bixinayaan u noqdo mid dhamaystiran isla markaana dadka adeegsana madaaradu ay ku soo dhiiradaan.