Dawladda Somaliland iyo dawladda Federaalka Itoobiya way ka wada hadleen nabaynta Dacaway”Madaxweyne Cirro.

0
79

 

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan)  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay iska kaashanayaan sidii loo joojin lahaa colaadda ka aloosan deegaanka Dacawalay ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Waxaanu Madaxweynaha Somaliland intaa ku daray in ay dawladda Somaliland iyo dawladda Federaalka Itoobiya ay a wada hadleen nabadaynta iyo xallinta colaadda ka dhacday deegaanka dacaway ee  oo ka tirsan dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweynaha qaranka  ayaa rejo wanaagsan ka muujiyay in colaadda si nabad ah lagu dhammeeyo, isagoo xusay in dhinacyadu ay wadaan wada-hadallo lagu soo afjarayo xiiisadda.

Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dadkii ku dhintay dagaalka Dacawaley, kuwii ku dhaawacmayna ALLE uga baryay inuu caafimaad taama siiyo.

Waxaanu yidhi.“Waxaan tacsi u diraya dadkeeni ku dhintey degaanka Dacawaley, waxaan ALLE uga baryaya in uu u naxariisto, ehelada, Qaranka, Qaraabadana samir iyo iimaan ka siiyo, kuwa dhaawaca ahna waxaan ALLE uga baryaya inuu u booga-dhayo”

 

Madaxweynaha oo ka hadlayay wada hadalka dhexmaray Somaliland iyo dawladda Federaalka Itoobiya  iyo dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa yidhi. “Meel fiican ayay marayaan dedaalladii arrinta lagu soo afjarayay iyo wada-hadalladii ka dhexeeyay Jamhuuriyadda Somaliland, Dawladda Federaalka Itoobiya iyo Dowladda Deegaanka Soomaalida, waxaanan ku rejo weynahay in la soo afjaro, dhibaatadaas,

Waan ka xumahay dhibaatada dhacday; waajibka ugu weyn ee  ina saarani waa in aan nabadda soo celino, dhibaato kalena aanay dhicin haddii ALLE yidhaahdo”

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Cisbitaalka guud ee Hargeysa ku booqdey dadkii shacabka ahaa ee dhawaan ku dhawaacmey dagaalkii ka dhacay deeganka DACAWALAY.

Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo mid mid u dul istaagay dadka dhaawaca ah ayaa Alle uga baryey inuu caafimaad Sareecana siiyo una Boogo dhacayo.