“Dawladnimadeena Curdinka ah Waxa lagama Maarmaan u ah in aynu la Nimaadno isla Xisaabtan iyo Hufnaan Shaqo” Madaxwayne Ku xigeenka JSL

0
45

Qore: Khadar M.Xaashi

 

Hargeysa(Dawan):-Kulanka Aqoon-is-waydaarsiga golaha wasiirrada Somaliland ee Xukuumada Wadajir iyo Wax-qabad ee uu Gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa halkiisii ka sii socday maalintii 2-aad.

 

Waxaana kulanka khudbad qiimo leh ku furay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, taas oo salka ku haysay hufnaanta dawladnimada, Maamul wanaagga, caddaalada, u xaqsoorka bulshada Somaliland, adkaynta midnimada iyo wax wada lahaanshaha ummadeena.

 

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Xubnaha Golaha Wasiirrada ku baraarujiyey in ay si rasmi ah u fahmaan culayska uu leeyahay Xilka loo dhaariyey ee ay Qaranka u hayaan waxaanu yidhi

 

“Waxaan rejaynayaa in Aqoon iswaydaarsigan Mudada labada Cisho inoo socda uu noqon doono mid si dhab ah uga muuqda dowladnimada aynu ku taamayno in aynu gaadhno, si gaar ah qorshaha 100 Maalmood ee u horreeya aynu fulin doono.

 

Mudanayaal lyo Marwooyin, hufnaanta Dawladnimo waxa ay ka bilaabantaa Masuuliyiinta la doortay iyo Masuuliyiinta ay sii doortaan, waxayna ku dhamaataa adeeg bixinta Shacabka la siinayo, taas oo muraayad u ah Hufnaanta Dawladnimo.”.

 

Dhinaca kale Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw-cabdi ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in ay masuuliyiinta dawladdu la yimaadaan isla xisaabtan iyo hufnaan shaqo, isla markaasina ay la fuliyaan isbadelkii ay ka xisbi ahaan ololaha ku galeen waxaanu yidhi

 

“Dawladnimadeena Curdinka ah waxa laga maarmaan u ah in aynu la nimaadno isla xisaabtan iyo hufnaan shaqo oo la taaban karo waxa waajib diini ah inaga saaran yahay shaqada aynu ummada u qabanayno in aynu sida la inoogu dhaariyay uga soo baxno.

Waxa inoo taalla in aynu dhisno dawlad wanaagsan oo ka caagan musuq-maasug, Eex iyo dib u dhac hoggaamineed waxa shacabku inagga sugayaa in aynu la nimaadno Isbadelkii aynu ku soo ololaynay”.

 

Sidoo kale madaxwayne ku xigeenka ayaa wasiiradda u sheegay in loo baahan yahay inay ka dhabbeeyaan rejadii shacabka, sidoo kalena ay dar dargaliyaan shaqooyinka loo igmaday waxaanu yidhi

 

“Cidda laga rabo in ay rejadii shacabka rumaysana waa idinka, waxa la idinka rabaa in aad si dhab ah u qabataan shaqooyinka hor tabinta leh ee idin horyaalla.

Mudanayaal iyo marwooyin, waxa ina horyaala in aynu soo celino kalsoonidii shacabku ku qabeen dowladdooda, waxa waajib inaga saaran yahay in aynu la nimaadno, fikrado wax dhisaya, oo qalbiga u qaboojinaya shacabkeena.

Hufnaanta Dawladnimo waxa uu ku dhisan yahay in aynu samaysano Qorshayaal dhow, mid dhexe iyo mid dheerba (Proper Strategic Plan), qorshahaas oo wata isla xisaabtan (Accountibility) iyo Hufnaan shaqo”.

Waxa aan idinkula dardaarmayaa in aad ka dhabaysaan Barnaamij Siyaasadeedkii uu Xisbiga Waddani doorashada ku galay oo si dhab ah uga turjumayay Baahiyaha Shacabka.

Waxaanu ku geba gabeeyay Madaxweyne ku xigeenka Somalilad hadalkiisa “Guntii iyo Gebabadii waa in aynu kordhinaaa Sinaanta iyo Cadaalada, korna loo qaadaa adeega shacabka loo qabanayo.”.