Hargeysa(Dawan):-Guddoomiyaha Hay’adda Bisha Cas (SRCS) Mudane. Axmed Cabdi Bakaal ayaa shalay ku wareejiyey xukuumada kaalmo gargaar daawooyin ah, isla markaana noqotay hay’addii u horreysay ee ka soo jawaabta baaqii Somaliland u dirtay caalamka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xergeeye oo kaalmada kala wareegay hay’adaha Bisha Cas iyo Laanqeyrta Cas munaaisbad lagu qabtay Cisbitaalka Guud oo ay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Caafimaadka iyo masuuliyiin ka socday hay’adda bisha Cas iyo laanqayrta Cas iyo marti sharaf kale.
Agaasimaha Guud ee Cisbitaalka Hargeysa Dr Cabdiraxmaan oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in daawooyinka baahi weyn Clsbitaalku u qabay, waxaanu u mahadceliyey hay’adaha ICRC iyo Bisha Cas ee Somaliland.
Guddoomiyaha Hay’adda Bisha Cas Mr. Axmed Cabdi Bakaal oo hadal ka jeediyey munaasibadii wareejinta daawooyinka ayaa sheegay in ujeedadeedu tahay sidii waxtarka qaranka looga qeybqaadan lahaa.
“kaalmada Dawada ee aan idinku wareejinaynaa waxay ku timi codsiga Madaxweynaha JSL Md Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdiaahi Cirro. Markuu baahida Qaranka nala soo wadaagay ayey noqotay in si degdeg ah loo keeno.
Guddoomiye Bakaal ayaa u mahadceliyey Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah oo codsigii Bisha Cas iyo codsigii qaranka Somaliland si fiican uga soo jawaabtay.
Guddoomiyaha Hay’adda Bisha Cas Mudane. Axmed Cabdi Bakaal ayaa sheegay inuu u mahadcelinayo Wasiirka Maaliyadda Md Cabdilaahi Xasan Adan oo kaalin weyn ka qaatay in gargaarku si habsam ahi u yimaado Hargeysa.
Masuul u hadlay hay’adda ICRC ayaa sheegay inay degdeg u keeneen daawooyinka markii dalabkii xukuumada la soo gaadhsiiyey, horena kaalin uuga qaateen daryeelka dhaawacyadii Baligubadle iyo Hargeysa la keenay.
Dr Edna oo ka mid ahayad masuuliyiinta munaasibadda kaalmada dawada lagula kala wareegay ka qayb galay ayaa sheegtay ayaa inay ka mahadcelinayso sida degdega ah ee hay’adaha Bisha Cas ee Somaliland iyo Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ICRC uuga soo jawaabeen baaqii xukuumadu u dirtay.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xergeeye oo la wareegay ayaa sheegay in aqabka kaalmada daawooyinka oo ka kooban 92 kartoon oo ah daawooyinka loo baahdo xaalada degdeg ah ay wax weyn ka tari doonaan dadkii dhaawacyada ahaa ee cisbitaalada dalka jiifa.
kaalmada daawooyinka Bisha Cas & ICRC oo gaadhaysay 92 kartoon ayaa loo kala qeybiyey Cissbitaalada Hargeysa, Baligubadle iyo Ceerigaabo.
Sidoo kale Hay’adda Bisha Cas ee Somaliland ayaa la sheegay inay wadaan mashruuc ay la kaashanayaan hay’ado kale oo dhaqaale lacag lagu taageerayo 800 qoys oo ku baro-kacay dagaalkii Gobolka Sanaag.
Sidoo kale bushada Somaliland ee wararka gargaarka ka akhristay baraha bulshada ayaa si weyn u soo dhaweeyey tallaabada Bisha Cas iyo Laanqeyrta Cas ee Caalamiga, uguna baaqay hay’adaha kale inay ku deydaan, kana soo jawaabaan baaqa xukuumada Somaliland u jeedisay.