Dawladda Somaliland waxay bixisay dedaal naf hurnimo ah oo ka culus waajibkii kaga aaddanaa yaraynta khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay deegaanka Dacawaley gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya., kaasoo aanay wax taageero ah u waydiisan Dawladda Itoobiya ee uu saarnaa xilka maareynta dhibaatada ka dhalatay weerarka ay geysteen Ciidanka Liyuu Booliska gobolkaasi iyo difaaca ay sameeyeen shacbiga la hujuumay ee reer Dacawaley.
Juhdiga Qaranka Somaliland bixiyey, marka laga yimaado gurmadkii nabadeynta ee dagaalka dambe badhi-furay iyo tallaabooyinkii dejinta xiiisada la xidhiidhay oo ay ujeedaddoodu ahayd in aanay shaqaaqadu ka gudbin xayndaabka deegaanka ay ka dhacday, taasoo ay Xukuumadda iyo golaha dhaqankuba door weyn ka qaateen, maalintan u dambeysay ee uu dagaalka weyni dhacay waxa ay dawladda Somaliland si lexejeclo iyo masuuliyadi ku dheehantahay ugu babac-dhigtay badbaadinta boqolaal dad Dhaawaca ah oo laga soo daad gureeyey goobihii laysku faro-saaray, kuwaasoo si aan heshiis lagu ahayn oo naf la carar ah lagu soo gaadhsiiyey xarumaha caafimaadka ee magaalada Bali-gubadle daanta Somaliland.
Cisbitaalkaas oo aan ahayn mid loogu talogalay inuu ka jawaabo xaalad culayskaas leh, dhisme ahaan, qalab ahaan iyo shaqaale ahaanba, balse dadka shacbiga ahi u arkayeen inuu yahay kan ugu dhaw ee ay dadkooda geyn karaan, maadaama aanay ku niyad samayn ama ay ka cabsi qabeen dhakhaatiirta gudaha Dalkooda, sida Jigjiga iyo kuwa lamidka ah.
Haddaba, Dhibaatada halkaa ka dhacday Jamhuuriyadda Somaliland sidaan kor ku xusnay waxay ka geysatay taakulo aanay Itoobiya Taageero kaga helin, waxaanay qaabishay culays weyn oo ahaa badbaadinta boqolaal nafood oo dhaawac u dhiman lahaa, kuwaasoo masuuliyadda samato-bixintooda xaq loogu lahaa Dawladda Itoobiya heerarkeeda kala sarreeya, balse aanay ahmiyad siinin kuwii laga soo tallaabiyey xudduuda oo ay ahayd in safaaraddooda Hargeysa ay muujiso dedaal la mid ah kii ay sameeyeen Hay’addaha dawliga ah ee Somaliland.
Waxa iyaduna xusid weyn mudan booqashadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ugu tegay Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa dadka dhaawaca ah, taasoo oo aan ahayn hiil cadaawadeed iyo inuu garab istaag ugu muujinayo colaada ay ku soo dhaawacmeen, balse ahayd ixtiraam iyo qadarin uu u qabo shacbiga labada dalba wada degen ee walaalaha ah ee ay ka soo jeeddaan kuwan dhaawaca ahina. Waxaanan sidaasi u leenahay in aan caddayno in aanay marna dawladda Somaliland ku talaabsan wax xad-gudub ku ah Dawladda Itoobiya iyo shacbigeeda.
Sidoo kale, La-tacaalida dhaawacyada uun kuma koobnayne waxa kale oo ay qaabishay Somaliland dhimasho masiibo ah oo ka badan in dareenku xamilayo, taasoo ay haddana xakamaysay fal-celintii tabnayd ee ka dhalatay oo keenaysay falal amni-darro oo Aar-goosi ah. Waxaana magaalooyinka Hargeysa iyo Bali-gubadle lagu aasay in ka badan Konton qof oo dhimasho iyo dhaawac halis ah oo geeri sababay lagu soo gaadhsiiyey gudaha Somaliland.
Tani waxay ahayd talaabo ay Jamhuuriyadda Somaliland maalmo iyo habeenno ku bixisay Malaayiin dollar iyo tacab aan xisaab lahayn caawinta dadkaas Rayidka ah, taasoo dawladda Itoobiya looga baahan yahay inay xisaabta ku darsata oo haddaanay Magdhow ka siinayn Qarankeena laga rabo inay ku abaal hayso.
Geesta kale, madaxda laamaha Dawladda iyo bulshada Somaliland waxa la gudboon in aan waxtarkaas laga daba geyn wax dhimaal ku samaynaya Caawimada ay shacbigaas u samaysay dawladdeenu, isla markaana aan loo faham la’aan sida milgaha iyo masuuliyada leh ee ay golle geysay xukuumaddu waxyeellada arxan-darrada ah ee loogu gabood-fallay shacbiga labada Dalba xuquuqda ku leh ama ku abtirsada ee reer Dacawaley.