Khurafaadka laga aaminsan yahay curashada sanadka cusub wax dhaqamo ka jira bulshooyinka kala duwaan ee caalamka. Waxa jira xaflado iyo dabaaldegyo inta badan ka xidhiidha aaminsanaan. Iyadoo la doonayo in nasiib wanaagsan ay ku keenayaan haddii aad ka qayb gasho xafladaha sanadka cusub.
Dhaqanka reer Galbeedka: Dalalka galbeedka Bulshooyinka ku nool, gaar ahaan dalka Maraykanka iyo dalalka oo Yurub, waxaa caan ku ah khurafaadka iyo aaminadda sanadka cusub. Tusaale ahaan, waxaa la aaminsan yahay in qofka uu salaan gudbiyo ama dhoola-cadeeyo wakhtiga ay saacaddu isku taagto 12:00, habeenimo oo ah bilwoga sanadka cusub, taasi oo ay aaminsan yihiin inuu helayo nasiib wanaagsan sanadka cusub.
Waxa kale oo khuraafaadka ka mid ah in qofka sameeyo go’aan isbedel noloshiisa ah sida ballanqaadyo ama higsi iyo himilooyin cusub marka sanadka cusub bilaabmo. Iyagoo aaminsan in haddii kale nasiibkiisa sanadkaasi uu ka xumaanoyo. xumaadaa.
Dhaqanka Shiinaha: Bulshada Shiinaha waxay leeyihiin khuraafaadyo gaar ah oo xidhiidh laleh ย sanadka cusub ee Shiinaha. Waxa ay aaminsan yihiin in sanadka cusub uu noqonayo mid guul leh haddii guriga lagu nadiifiyo khudaarta guri, sababtoo ah waxaa loo arkaa nadiifinta inay ka baabiinayso dhibaatooyinka iyo xaaladaha xun xun ee sanadadii hore.
Waxaa sidoo kale muhiim ah in la xidho dhar cusub, gaar ahaan midabada cas iyo dahab, si loo helo nasiib iyo barako sanadka cusub.
Dhaqanka Hindiya: Hindiya, xafladaha sanadka cusub ee kalandarka Hinduuska waxaa lagu dabaaldegga khuraafaadyo aad u badan oo kala duwan. Waxaa ay aaminsan yihiin in haddii sanadka cusub laga fogaado muranka iyo xanaaqa, sanadka oo dhan uu noqonayo mid deggan oo
barwaaqo leh.Sidoo kale, qaar ka mid ah bulshada Hinduuska waxay aaminsan yihiin in dadka ay tahay inay gurigooda ku soo dhaweyaan cuntooyinka iyo macmacaanka cusub ee sanadka cusub, si loo helo raxmad iyo barwaaqo.
Haddaba mushkuladda khurafaadka waxa weeyi in dadka aaminsan khuraafaadkan ay inta badan ย dareemaan cabsida iyo ย walbahaar joogto ah haddii ay samayn waayaan ama fogaadaan waxa ay aaminsan yihiin, taasi oo ay u arkaan in sanadkaasi belaayo ku dhacayso oo uu noqonayo in mid nasiibkiisu xun yahay.
Guud ahaan, khuraafaadka sanadka cusub waa qayb ka mid ah dhaqanka iyo sheekooyinka bulshada, kuwaasoo saameyn ku leh habka ay dadku uga qayb qaataan xafladaha iyo dabaaldegyada sanadka cusub.
Bulshada Muslimiintu waxa ay curashada sanadka cusub u arkaan sidii maalin caadi ah.ย Waxaan ay hawlahood u qabsadaan sidii maalmaha kale , mana aaminsan in xaflado iyo arrimo la sameeya ay sanadka ka dhigayaan kuwo wanaag iyo nasiib fiican ku keenaya ama haddii ay samayn weydo ay belaayo dhacayso.ย Qofka muslinka ahi waxa laga rabaa maalin kasta in uu camalkiisa waajibka ah guto, isla markaa xidhiidhka isaga Allah ka dhexeeyo wanaajiyo. Sanadka iyo maalmuhu awoodda wanaagga iyo sharka keenta maaha waa makhluuq kale oo isbedelka caalamka ka mid ah.